Guddoomiye ku xigeenkii Degmada Xaafuun oo ku dhintay Gacanta Ilaalada Taliyaha Ciidanka Degmadaas

0

Maxamed Muuse Bahaleey Guddoomiye ku xigeenkii degmada Xaafuun ayaa ku geeriyooday Gacanta Ilaalada Taliyaha degmadaas.

Guddoomiye ku xigeenka oo dhaawacan ayaa la geeyay Isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso, halkaas oo markii dambe uu ku geeriyooday.

Taliyaha Saldhigga qudhiisa ayey warar sheegayaan in rasaasta uu ku dhintay Guddoomiye ku xigeenku uu gacantiisa ka riday.

Waxaa sidoo kale wararka ay Xogdoonnews heleyso ay sheegayaan in Taliyaha ay is maandhaafeen Haweeney taasoo dhagax ku tuureysay isaga isaguna uu markii dambe rasaas furay si uu haweeneyda isaga raacdeeyo, balse ay rasaastu haleeshay Maxamed Muuse oo ugu dambeyntiina Geeriyooday.