Gudoomiye Cusub oo maanta loo magacaabay Degmada Buurhakaba

0

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Gudoomiye cusub u magacaabay degmada Buurhakaba oo ka mid ah degmooyinka gobolka Baay ee maamulka Koonfu Galbeed Somalia.

C/raxamaan Ibraahim Adan Wasiirka Arimaha Gudaha ee maamulka Koofur Galbeed Soomaliya ayaa Gudoomiyaha cusub degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay u magacaabay Maxamed Ibraahim Nuur.

Gudoomiyihii hore ee degmada Buurhakaba ayaa dhaawac kasoo gaaray Qarax lagula eegtay degmadaasi Muqdisho ugu geeriyooday.

Muddo bilooyin ah aysan Gudoomiye laheyd Degmada Buurhakaba,waxaana magacaabista gudoomiyah cusub ay imaanysa xilli dhowaan gobolka Baay loo magacaabay gudoomiye Cusub.

Xogdoonnews:

Muqdisho Somalia

Xogdoon2015@gmail.com