Gudoomiye Jawaari “Madaxweynaha ayaa masuul ka ah wixii bari baarlamaanka kadhaca”

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo galabta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay wada hadaladii uu waday Madaxweynaha Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Guddoomiye (Jawaari) in Madaxweynaha uu la kulmay isaga oo keliya, balse uusan kulan la yeelan xildhibaanada kale ee la sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu gadaal ka riixayo, taasina ay keentay inuu burburo wada hadalka.

Sidoo kale wuxuu sheegay Prf. Maxamed Sheekh Cusmaan in Madaxweynaha uu ka dalbaday in isaga uu is casilo balse uu iska diiday, uuna u sheegay inuu sharci ku yimid, cida baxeysana ay tahay Xukuumadda.

Wuxuu sheegay (Jawaari) in berri xarunta Golaha Shacabka ay ku kulmi rabaan xildhibaanada Mooshinka wada, wuxuuna tilmaaamay in kulankaasi uu fasaxay Madaxweynaha oo uu sheegay inuu la saftay xildhibaanada Mooshinka wada.

Ugu dambeyn jawaari ayaa shacabka Soomaaliyeed u sheegay inuusan masuul ka aheyn wixii berri dhaca, waxna laga weydiin doono Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha,