Guriga Sargaal ka tirsan NISA oo Xalay weeraray

0

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Hawlwadaag ee gobolka Banaadir laba bambo gacmeed ayaa xalay lagu weeraray guriga gudoomiyihii hore ee degmada Hawladaag iyo la taliyihii hore ee Howlgalada NISA Maxamed Abuukar Jacfar, oo ku yaalla isla degmadaas.

Rag hubeysan ayaa laba bambo gacmeed ku weerartay guriga intaasi kadib waxaa rasaas afarta jiho u riday ciidan ilaalo ah oo ku sugnaa guriga, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkan caawa lagu qaaday hoyga guddoomiyihii hore ee degmada Hawlwadaag Jacfar, oo sidoo kale hada ah Sarkaal ka tirsan ciidanka NISA.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in weerarkan ay ku dhaawacmeen ilaa laba askari oo ka mid aheyd ilaalada Jacfar, waxaana dhaawacooda la dhigay mid ka mid isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho.

“Annaga oo guriga joogna ayaan halmar maqalnay laba jug oo xoogan, kadib waxaa xigtay rasaas fara badan, gurigeyga ayaan ku jiraa, mana garanayo khasaaraha ka dhashay,ciidan badan ayaa goobta yimid hada.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka degaanka.

Ciidanka ammaanka ayaa tagay goobta uu weerarka dhacay, waxayna saraakiishu sheegeen in lagu daba jiro Dableydii weerarka geysatay oo loo badinayo in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.