Guul aan loo guban la ma gaaro!

0

Guul aan loo guban la ma gaaro!

Cali Cabdi Wardheere “Cali are”, waa siyaasi da’yar, aad uga dhexjira sabada siyaasadda. Aqoon hore u ma lahayn. Waxan bartay xilligii lagu gudajiray dhismaha maamulka Galmudug, inta uusan ku dhicin afduubka iyo afgaradka la’aanta.

Aragtida dib u dhaca ah siday eheed, waxay doonistiisu lid ku eheed sida ay rabeen raggii huwanaa awoodda dawladda. Fagtii hore ayey fiiradiisa iyo faallooyinkiisa ka garteen iyo socod uu ku tagay deegaanka, ka dib, waxay ka reebeen ergadii ka qaybqaadan leheed shirka maamul u dhisidda.

Waxaa laga reebay diyaarad u qaadi leheed magaalada Cadaado. Taa keli ku ma ahayn, oo waxaa laga reebay siyaasiyiin iyo oday dhaqameed kale. Waxay eheed dhaqan gurracan, oo dadka soo xasuusiyey afduubkii, addin xirkii iyo aragti diidkii maamulkii maaraynta marooqsaday, ee MSBarre, ee hooggan iyo halaaggan noo horseeday.

Diyaarad ka reeb loogu ma simin, ee waxaa loo dhaadhiciyey XABSI! Garbaduud, xorriyad ka qaad iyo jeel lagu galo dambi la’aan, dadku waxay is lahaayeen waxay la dhaceen dhimaalkii MSBarre, mise, waaba tan, oo intii ku indha qaadday, siday u rabaan, in ay la jaanqaadan, oo ka dhigan; ratiga dambe, kan hore saanqaadkiisa ayuu leeyahay.

Xabsigal, balse, ku gal una gal sharci aad jabisay, xeer aad ku xadguxubtay ama gef aad gaysatay, ayna ka horrayso, in maxkamad lagu horkeeno ama qaaddi uu amro xiriddaada, balse, haddii aysan labadaa midna ku dhicin maxaa ka xanuun badan! Maxay gocosho badan leedahay!

Waa midda qabatay Cali Yare, oo xabsi ku yaal magaalada Muqdisho, in ka badan afartan maalmood ugu jiray xaqdarro iyo sharci la’aan, heer uu ku dhex xanuunsaday. Intii uu xirnaa marar badan ayaa la is ku dayey, in la soo daayey, balse, waxaa hor istaagay dadkii amarka xarigga baxshay, oo waxaa laga dalbaday, wax uusan samayn, in uu yiraa anaa sameeyey.

Halkan waxyaabaha la yaabka leh ayey ka mid tehee, waxyaabaha lagu eedeeyey waxaa ku jiray, in uu magaca hay’daha dawladda ugu adeegsaday faysbuugga. Dad waaweyn, ayaan ka dhaadhicin waayey, war dambigaa oo kale daqiiqado ayaa lagu ogaadaaye, wax kale ayaa meesha ku jiray. Sidii ayeyna noqotay.

Sida aan u necabahay cabburinta iyo xornimo ka qaadka awgeed, waxaan ku jiray dadkii u ololeeyey, in Cali Yare xorriyaddiisa helo, markii dambe, waxaa lagu soo daayey, waqrad uu qoray xeer ilaaliyaha guud, isagoon dambi lagu caddayn, waxna la is ka weydiin wixii uu intaa u xirnaa. Xormimadu macaanaa! Qof xabsi galay, oo xornimada laga qaaday kaliya ayaa dareemi kara.

cali-yare-oo-xabsiga-ka-soo-baxay

Cali Yare oo xabsiga laga soo daayey

Is ma dhiibin, is ma dhigan, is mana dhoohin, ee Cali wuxuu sii joogteeyey galaangalkii uu ku lahaa siyaasadda, isagoon marna ka rajodhigin, in uu hirgeliyo riyadiisa ah, in mar uun MW uu noqdo Maxamad Cabdullaahi Formaajo. Waxay eheed hawl adag, haddana, ka ma quusan, in uu sii joogteeyo, in uu maalin arko wadaaygii, oo MW la leeyahay.

Sida uu sheegay Cali Yare, 7gu’ ka hor ayuu nambarka Maxamad Cabdullaahi Formaajo ku qortay Mr. President. Malaha waxay u eheed shidaal, dhiirrigelin iyo wax ku sii riixa, in uusan dareemin, in uusan gaari karin yoolkaa. Waxay u eheed hummaag uu tilmaamsado iyo halbeeg uu ku cabbiro halka iyo heerka uu rabo in uu gaaro.

Madaale Cali Yare iyo ololaha Formaajo: Formaajo, Cali Yare la’aantiis yaa aqoon lahaa? Haba la aqoodee, sidan ma loo aqoon lahaa? Haba loo aqoodee, aragtiyadan iyo ololahan qof walba isha ka xadaya, ee uurka u gudbaya, miyuu la iman lahaa? Ma filayo.

Mid waa marag ma doonto, in ololaha Formaajo yahay kan ugu xiiso iyo xamaasad badan, haddana, ugu kacsan. Ku darsoo, qaab gubinta, kicinta iyo xayeysiinta aad ayey uga horreeyaan kuwan kale, oo ka dhigaysa, in ay yihiin ololaha ugu xawliga badan.

Dad badan ayaa is weydiiya, horta ninkaa Cali Yare ah, ma wuxuu ka mid ahaa, Guulwadayaashii oroteeshinnada dawladdii Kacaanka ka shaqeeyn jiray? Tan kale, “Tuke ayaan uu caano ku helo leh, balse, kas uu ku cabo ma leh!” Waxaa la mida, kooxda Xasan sida ay marar badan u seegeen garashada ayey waxay u seegeen, in ma daalahahaa, ay ganafka ku dhuftaan, waliba ay xabsi, jirdil iyo u isugu dareen afduub! Gurracnaan!

Bulsho waa la hadlin iyo u sheekeyn. Maaweelin. Hadday kaa weyso, wax walba, oo aad u qabato ama u tahayba, waxba kaa soo qaadi maayaan. Olole aan aragti iyo Cali Yare lahayn, waa eber iyo arradnaan!

Ugu dambayn, Cali yare, 08/02/2017 ayey u hirgashay han iyo hammi ku jiray 7gu’. Hambalyo. Dedaalaa waa garaa, ee ka hor la imow han iyo halbeeg. Wax aan loo dhiibton lagu ma dheefsado!

16602218_1482611268430133_6132563865163324425_o

Cali Yare oo gacanta ka haya MW Formaajo 09/02/2017

Cali yare, wuxuu ka dhabeeyey aragtiada ah “HANYEELO” ee ha u noolaan kaliya, in aad nooshay, ee nolosha wax ku ku noqo, waxna ku soo kordhi. Alla maxaa badan inta is ka nool, haddana, isu haysta, in ay nool yihiin. Noloshu ma ahan, nolol, haddii aan la nooleyn. Waxa aad ku noolayn kartaa nolosha, markaa aad nooshahay, noloshuna nuxur kuu leedahay, inta ka horraysa; NOOLOW! Imisaa nool?

Cali guusha uu caawa ku naalaanayo, waa mid uu u soo gubtay, gardaduub iyo u soo maray god gudcur ah. Guul aan loo guban la ma gaaro! Hambalyo.

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here