Guushii Taariikhda Gashay ee Xalay

0

Kani waa sawir muujinaya Georginio Wijnaldum oo xalay garoonka Anfield kusoo bandhigay wax warbaahinta caalamka ay ku tilmaamtay ‘Mucjisadii Qarniga”, kadib markii kooxdiisa Liverpool uu u dhaliyay labo gool oo ka mid ah afartii gool ee ay baalasha kaga riftay kooxda Barcelona oo muddo dheer lagu tirin jiray in ay tahay ‘Libaaxa Leyrta Jiifa’.

Waa markii ugu horeysay taariikhda kubbadda cagta tan iyo sannadkii 1986-dii ay koox kasoo kabato guuldarooyin kasoo gaaray wareeggii koowaad, una gudubto heerka ugu dambeeya.

Liverpool ayaa hadda u gudubtay heerka kama dambeysta ah ee horyaalka Champions League, halkaas oo geesaha is dari doonaan kooxda Ajax ama Tottenham.

Aragtidaada ka dhiibo.

Xigasho: BBC-SOMALI