Habacsanaan dhan ka Amniga oo la sheegay

0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa shalay hortagay Guddiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya, si ay u siiyaan warbixin la xiriirta ammaanka dalka.

Guddoomiyaha guddiga difaaca baarlamaanka golaha shacabka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise  ayaa wuxuu sheegay in ay dhiman tahay weli hawlo badan oo quseeya amniga in wax laga qabto.

Wuxuu sheegay weli inay taagan tahay habacsanaanta la xiriirta dhanka ammaanka ee ay horey u soo gudbiyeen baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in dhawaan ay baarlamaanka horgeyn doonaan wixii ka soo baxay kulamada ay la qaateen hay’adaha amniga.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa todobaad kahor muddo Saddex maalmood ah waxa ay ka doodayeen ammaanka, waxayna xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ku eedeeyeen inay ku fashilantay wax ka qabashada amniga.