Habar-gidir iyo Abgaal oo sheegay in Farmaajo uu uga baxay Balan uu la galay

0

Siyaasiyiin iyo odayaal kasoo jeeda beelaha Habar-gidir iyo Abgaal ayaa ka hadlay magacaabista Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shalay lagu dhawaaqay.

 
Waxay sheegeen in ka xunyihiin in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu balan been ah la galo siyaasiyiinta iyo odayaasha kasoo jeedala beelahaasi.

 
Sidoo kale waxay shaaciyeen in magacaabista Xasan Cali ay tahay yasmo iyo meel ka dhac loo geystay beelaha Abgaal iyo Habar-gidir oo Hiraab isku ah .

 

Maalinta sabdida ah oo la filayo in cimrada uu kasoo laabto madaxweynaha ayay sheegeen in qorshuhu uu ahaa in uu kala tashado magacaabista wasiirka koowaad ee dalka .

 

Siyaasiyiinta u hadlay beelahaan ayaa tilmaamay in ay soo dhaweynayaan Ra’isul wasaare Kheyre oo kasoo jeeda Beesha murusade , waxaana ay tilmaameen in xilkan uu ka dhexeeyay beelaha Hawiye hayeeshee lookala xaqnimo badnaa.

Hadala kasoo yeeraya odayaasha beelahan ayaa kusoo beegmaya kadib markiiay waayeen xil sare oo muhiim ahaa, inkastoo ay soo dhaweeyeen waxaana la wada sugayaa isbadalada kale ee xigi doona.

Xogdoonnews:

Muqdisho Somalia

Xogdoon2015@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here