Haddii Puntland meeshii uu ka tago Hadiyad laga siiyay, XAAF oo Hadiyaddii ugu qaalisaneyd siiyay Farmaajo, maxay tahay?

0

Xilli uu madaxweynuhu uu safar ku marayo Gobollada dalka si gaar ahna Puntland iyo Galmudug, Farmaajo ayaa hadiyado badan laga siiyay magaalooyinka Puntland ee intii uu Socdaalkiisa ku jiray uu tegay.

Waxaa ka mid ahaa Hadiyaddii laga siiyay Magaalada Qardho oo aheyd Faras, sidoo kale waxaa Hadiyad Hashii Maandeeq aheyd loogu diyaariyay qeybta Waqooyi ee Gaalkacyo, hashaas waxaa ku xardhanaa Calanka Soomaaliya.

Maanta Madaxweynaha ayaa tegay Dhanka Koofureed ee Gaalkacyo, wuxuuna madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu siiyay Madaxweynaha dhul weyn oo uu hadhoow degi karo.

Xaaf ayaa sheegay in ay doonayaan in madaxweynaha laga dhigo nin deegaan ahaan wixii xilkiisa ka dambeeya dega Mudug, si gaar ahna Gaalkacyo oo dhul laga siiyay.

Waa mid ka mid ah Hadiyadaha ugu qaalisan ee Adduunka la is siiyo dhulku, wuxuuna ka mid yahay Hantida ma guurtada ah.