Halkuu ku jiraa Xalka Galmudug?

0

Maamulka Galmudug oo kamida Maamulada Xubnaha ka Dowladda Dhaxe markii lagu dhisay Cadaado 2015 waxaa laga qabay rajo wanaagsan taas oo ah labo qaybood, 1- Bushlada ka kooban 11 Beelood ee daga Labada Gobol ee Mudug iyo Galgaduud oo aan Wax Nidaam Dowladeed ah waxii ka daynbeeyay Burburkii Dowladii Kacaan ee Siyaad Bare waxay ku taamayeen in Maamulkan ay uga bixi doonaan kala qoqobnaanta iyo Matalaad la aanta Dowladnimo.

2-Degaanada Galmudug ayaa ku yaala goob muhiim u ah Dalka waxaan lagu taabayay Hadii Goboladaasi Hagaagan in Somaliyana Hagaagayso aragtidaas waxaa qabay Dad uu ku jiro Eragaygii hore ee QM u Fadhiyay Somalia Nikalos Key, labadii rajaba lama hayo ku dhawaad 3 sano iyo bar oo laba Madaxwayne Galmudug soo martay waxana hareeyay Khilaaf, markii Xilka laga tuuray Madaxwaynihii hore ee Cadaado Lagu doortay C/kariin Xusen Guuleed, Madaxwayne Xaaf oo badalay ayaa asana Buuq iyo Mooshino mu dhaamaysan raba waqtiga Dastuurku u ogol yahay.

Halkaas waxaa ku luntay hankii iyo rajadii Shacabka adeega Dowalnimo u hamuun qabay ee Mudug iyo Galgaduud oo qaarkood u baahan Maamul u xoreeya Dbulkoodii oo ku jira Gacanta Kooxda Shabaab, riyooyinka Shacabka Galmudug waxaa ka mid ah inay arkaan Dekadda Hobyo oo shaqaynee oo ay waxna kala soo dagaan in badan oo kamid ah ay shaqo ka helaan, in la rumeeyo rajada Bulshada Galmudug iska daaye waxaa Madadu yihiin kuwo isku Mashquulsan oo ayago doonaya in midba kan kale uu meesha ka saaro waxaan u danbaysay Xilka qaadistii Gudoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir.

Shacabka ayaa dhankooda ku dhex milmay Siyaasadaha is diidan ee Deeganaanka ,balse waxaan u sheegi lahaa in Siyaasadu aysan labayn Saxiiib Joogta, Micna ma keeneyso in Dhinacayo kale duwan aan u sacaba u tumano anagoo wax ka baraneyno halki uu ku dambeyay qilaafki hore ee Galmudug.

Waan hubaal in maalin unlee ay heshiin doonan Madaxda hadda is haysta ee yuusan war kaa tagin, inta aad dhinac si xuurteysan u taageeri laheyd ka shaqey Wanaaga .

Wixii hore cashiro ha kabartaan bulshada hana ku kalsoonadan Dastuurka u Yaala Maamulka Galmuduginta aad wax sii kala fogeyn laheyd ka shaqey isku keenida dhinacyada iska soo.horjeeda.

Rayi ahaan xalka Galmudug inta laga raadinayo meelo ka baxsan Dhulka Galmudug wali wax ma dhowo ee isha wax ka fiirso. Wax garadkuna waa inay Xiisadda taagan ku xaliyaan ragti u danaynaysa Degaanka Hoyaadka u ah Dhalaankooda

W/Q Ali Yare Abdiwahab Aden