Hargeysa: Wakiillada Somaliland oo Ansixiyay Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada

0

Golaha Wakiillada ee maamulka Somaliland ayaa maantya Ansixiyay qaar ka mid ah golaha Wasiirrada ee uu dhowaan soo dhisay Madaxweynaha Dabayaaqada Sanadkii hore la doortay ee Muuse Biixi Cabdi.

Xubno gaaraya 10 Wasiir iyo 12 Wasiir ku xigeen ayaa maanta hortegay Golaha Wakiillada ee Somaliland, waxaana lagu Ansixiyay Cod Gacan Taag ah.

Maalmaha Nasoo Aaddan xubno kale oo ka tirsan Wasiirrada Cusub ee Somaliland oo xafiisyada la wareegaya ayaa la horgeyn doonaa Baarlamaanka Maamulkaas.

Somaliland ayaa waxay Doorasho ka dhacday Novermber keddib uu Muuse Biixi oo madaxweyne Noqday ayaa soo dhisay Gole Wasirro oo Cusub kuwaas oo sida uu sheegay laga rajeynayo Tayo iyo Shaqo wanaagsan.