HIIRAAN: Xildhibaanno Labada Gole ee B.F.S ka socda oo Ammaanka & Dhaqaalaha Gobolka Indha-indheynaya

0

Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ayaa waxay magaalada Beledweyne Kulamo kula leeyihiin Odayaasha dhaqanka, waxayna ka wadahadlayaan, sidii Ammaanka Gobolka wax looga qaban lahaa.

Kulanka oo ku saabsan Ammaanka iyo Dhaqaalaha ayey dhinacyada ka qeyb gelaya si xoogan uga wadahadli doonaan sida wax looga qabanayo dhinacyadaas.

Waxyaabaha aadka diiradda loo saarayo waxaa ka mid ah Diidmada Shilin Soomaaliga, xasilloonida Gobolka iyo Sidii laamaha Ammaanka looga taageeri lahaa in ay Ammaanka Gobolka wax badan ka qabtaan.

Tiro Xildhibaanno ah oo ka socda Labada Gole ee Baarlamaanka ayaa waxay ku suganyihiin magaalada Beledweyne, halkaas oo ay kula kulmeen maalmaha ay joogaan maamulka, Waxgaradka iyo qeybaha Bulshada.