Hirshabeelle oo ku Fashilantay Amniga & Baqdin laga qabo Weerarro

0

Maamulka Hirshabeelle ayaa lagu eedeeyay in uu ku fashilmay sugidda Amniga, gobollada uu maamulo, isla markaana waxaa dadka deegaannada maamulkaas ay hadda yihiin kuwa ugu Baqdinta badan dhinaca Amniga gobollada oo dhan.

Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay magaalooyinka maamulka Hirshabeelle ka dhacayeen weerarro iyo sidoo kale in jid gal lagu sameeyo Mas’uuliyiinta maamulkaas ayey dadka deegaannada Shabeellaha dhexe sheegayaan in maamulka Hirshabeelle uu ku guuldarreystay in uu Ammaanka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe wax ka qabto.

Waxaa ka mid ah weerarrada dhacay, mid lagu qaaday magaalada Balcad, halkaas oo Shabaab ay la wareegeen muddo Saacado ah oo ay joogeen keddibna ay halkaas isaga baxeen.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa isla maalinkaas weerar jid gal ah oo ay ku qaadeen ciidanka Burundi ee AMISOM ka tirsan waxay uga dileen 5 Askari, in kastoo Shabaab ay sheegeen in ay dileen 11 Askari.

Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka ayaa sidoo kale waxaa ka jirta Baqdin ah in Al-shabaab ay weerar ku qaadi karaan, maaddaama maalmihii lasoo dhaafay ay kusoo dhowaanayeen Jowhar.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cusmaan Barre oo ka hadlayay Kulankii Lagu furayay kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka dalka ayaa sheegay in maamulkiisu uusan u babac dhigi karin, dagaal toos ah oo uu ku wajaho Al-shabaab, maaddaama aysan laheyn maamulku ciidan ku filan.