Hooyo Soomaliyeed oo La Ganaaxay Kadib Markii ay Sheegtay in aan La Guursanin!

0

Hooyo Shukri Yuusuf waa haweney Soomaaliyeed oo Dawladda Britain ku ogaatay ka been sheegis ay ka been sheegtay xaaladeeda qoys iyadoo sheegtay inay tahay single mother(ama qof aan la guursanin) iyada iyo ilmahedana ay ku adagtahay nolosha sidaa darteedna uga baaahan tahay dawladda caawinaad qoyseed.

Sida uu daabacay Wargeyska The Sun ee kasoo baxa dalka Ingiriiska Dowladda dalkaas ayaa martigalisay Shukri Yuusuf muddo sanado ka hor kadib markii ay sheegtay in ay tahay qof dhibaateysan islamarkaana aan haysanin Nolol aad u fiican, waxayna dowladda dalkaas ay kusoo dhaweysay gacmo furan.

Balse sanado kadib ayay ogaadeen laamaha amaanka dalka Ingiriiska in shukri ay ahayd xaaska nin ka shaqeeya buses ka London(bus driver) waxaa lagu soo dalacay lacag dhan 102,000 oo pounds taa oo baaritaan la sameeyay lagu ogaadey inay ku iibsatay kuna socotay gaari qaali ah iyo guri heer sare ah.

Lacagta ay isticmaashay Haweeneydaan ayaa la sheegay ineey ku socotay ama Dawladdu siineysay 2008 ilaa iyo 2014 maadaama ay u sheegtay Dawladda inay tahay single mother dawladduse baaritaan ayay kuwadday oo ugu dambeyn fashilisay shukri iyo ninkeedaba.

Ma ahan Qoyska ka shukri oo kaliya waxaa jira qoysas fara badan oo ka been sheega ama inkira iney is qabaan si ay usoo gasho lacag badan.