Howlgal Duqeyn oo ka dhacday Baraawe & cabsi ka taagan cidda lagu dilay

0

War kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ka dib howlgal ay ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalkaasi ayaa waxaa fuliyay diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka, waxaana uu ka dhacay meel u dhow Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha hoose.

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa sheegay in diyaarad ay leeyihiin ay Khamiistii Beegsatay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa meel u dhow degmada Baraawe, islamarkaana isku diyaarinayay in ay weerar ku qaadaan tuulo ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya.

Mareykanku waxaa uu sheegay in dagaalyanadii halkaasi ku sugnaa qaarna ay dhinteen kuwo kalena ay dhaawacmeen.

“Ilaa hadda lama ogga tiradda dagaalyahanada halkaasi ku dhintay laakiin waxaan wali wadnaa Baaritaano” ayuu yiri taliyaha

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan hadalkaan kasoo baxay dowladda Mareykanka ee ah in ay dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa bilihii lasoo dhaafay si weyn u xoojisay duqeynta ay ka fulinayso gobolka Shabeelaha Hoose.