Howlgallo xalay laga sameeyey xaafado ka tirsan Muqdisho

0

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay howlgallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir, howlgalkaas oo ahaa mid amniga lagu xaqiijinayey sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysay.

Ciidamada ayaa sigaar ah waxaa ay howlgalka uga sameeyeen xaafada Taleex ee degmada Hodan,waxaana ay baaritaano ku sameynayeen Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee Xaafadaasi dhexmarayey iyo sidoo kale dadka.

Sidoo kale Ciidamada ayaa la arkayey, iyaga oo dad u badan dhalinyaro isugu keenay goob fagaaro ah oo ku taalla Xaafada Taleex,waxaana saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ay sheegeen in baaritaano lagu sameeyey intooda badana la siidaayey.

Saraakiisha Ciidamada Booliska weli wax faah faahin ah kama bixin howlgalka xalay laga sameeyey xaafado ka tirsan degmada Hodan Ee Gobolkan Banaadir,waxaana uu qeyb ka yahay howlgallo maalmihii la soo dhaafay ciidamo ka tirsan dowladda ka sameeynayeen Magalada muqdisho iyo duleedkeeda.