imisa dil ayaa ka dhacday bishii july muqdisho

0

 

Waxaa Bishii July dilal kala duwan ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kuwaa oo lala eegtay Saraakiil, Odayaal iyo dad shacab ah.

Dilalka ugu badan ee Bisha July ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa badi lala eegtay Askar ka tirsan dowlada Federaalka.

Dilalka Bisha July dhacay ee noo diiwaan gashan ayaa gaaraya 9 dil, oo dilka ugu badan uu yahay 11 ruux oo hal meel ku dhintay.

Dilalka dhacay ayaa ahaa kuwo madax-jabis ah oo ay geysteen maleeshiyaadka Shabaab ee sida ba’an kaga soo horjeeda dowlada Federaalka.

HOOS KA AKHRISO GOOBAHA AY KA DHACEEN DILALKA IYO DADKA LALA EEGTAY

1-July 01 2017, Waxaa xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir lagu dilay askari ka tirsanaa Hay’adda NISA oo lagu magacaabi jiray Dhagacadde.

2-July 3, 2017, Kooxo hubeysnaa ayaa degmada Deyniile ku dilay Guddoomiye Waaxeed ka tirsan degmadaasi, oo lagu magacaabi jiray Cusmaan Cali Wehliye.

3-July 04 2017, Nabadoon Axmed Cali C/raxmaan (Axmed Jaxash) oo ka tirsanaa Ergadii Hirshabelle ee Xildhibaanada ku soo dooratay Magaalada Jowhar, ayaa lagu dilay Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir.

4-July 8, 2017, waxaa weerar loo adeegsaday gaari hubeysan lagu dilay 5 ruux oo kasoo wada jeeda hal qoys xili ay kasoo laabteen Aas Meyd oo ka dhacay degaanka Calamada oo u dhaxeeya Ceelasha Biyaha iyo deegaanka Xaawa Cabdi.

5-July 10 2017, Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafadda Saybiyaano ku dilay Askari ka tirsanaa ciidamada canshuuraha qaada.

6-July 25 2017,Askari ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa lagu dilay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana lagu magacaabi jiray C/llaahi Cali Maxamed.

7-July 26,2017, Ciidamo ka tirsan NISA ayaa Isgooyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho ku dilay Askari ka tirsanaa ciidamada Militeriga dowlada.

8-July 26,2017, Ciidamo ka tirsan Militeriga ayaa afafka hore ee Tiyaatarka ku dilay Taliye ku-xigeenkii hore NISA ee Gobolka Banaadir Ciise Jiijiile iyo Seddex ilaalo u aheyd.

9-July 30, 2017, 11 Ruux oo shacab ah ayaa ku dhimatay Qarax Gaari oo ka dhacay Nawaaxiga Hoteel Makka Al-mukarama.

Si kastaba ha ahaatee, dilalka dhacay Bisha July ayaa noqonaaya dilal aad u yar marka loo eego dilalkii horay u dhacay bilihii tagay.