IMISAA is Casishay ama La Eryay oo Muhiim ahaa, 11-ka bilood ee Farmaajo uu Talada joogo, 6 Wasiir ayaa Ka mid ah!

0

Inta uu talada Joogo Madaxweyne Maxamed Farmaajo waxaa Xilalka ama iska Casilay ama laga Raacdeeyay Tiro Madax ah oo ka Kooban, Wasiirro, Taliyeyaal Ciidan, Agaasime iyo Guddoomiye Gobol oo uu ugu Dambeeyay Xil ka qaadistii lagu sameeyay Thaabit Cabdi Maxamed.

Xubnaha la Eryay ama iskood isu Casilay waxaa ka mid ahaa 6 Wasiir oo kuwana howshooda oo aan loo madax bannaaneyn darteed uga tegay Shaqada, kuwana laga Casilay iyadoo ay weliba Shaqadoodii ku dhafrayeen Habeenka Warqadda Casilaadooda loo dhiibay Warbaahinta iyadoo aan lagu Wargelin xataa.

HALKAN HOOSE KA ARAG XUBNAHA LA ERYAY AMA IS CASILAY 11-KA BILOOD EE XUKUUMADDA FARMAAJO

Wasiirkii Arimaha Dibada Yuusuf Garaad Cumar Axmed

Wasiirkii Arimaha Gudaha Cabdi Faarax Siciid Juxaa

Wasiirkii Gaashaandhiga Cabdirashiid Cabdillahi Maxamad

Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha Khadra Axmed Ducaale

Wasiirkii Arimaha Gargaarka Maryam Qaasim

Wasiirkii Arimaha Diinta Iimaan Cabdillahi Cali

Gudoommiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamad

Taliyihii Xooga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Maxamad Axmed Jimcaale (Cirfiid)

Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Cabdixakim Daahir Siciid (Saacid)

Taliyihii NISA Cabdillahi Maxamad Cali Sambalooshe

Agaasimihii Madaxtooyada Villa Somalia Abuukar Baale

La taliyihii Amniga Qaranka Xuseen Macalim Maxamauud