Imtixaanka Shahaadiga ee Soomaaliya iyo Somaliland Kaaf iyo kala Dheeri.

0

Soomaaliya oo aan ula jeedo intii Talyaanigu gumeysan jirey tan iyo markii dib loo yegleelay Dugsiyada Waxbarshada burburkii kadib ma jirin Imtixaan midaysan oo laga qaado Ardayda dhammaysanaya Dugsiyda Sare iyo kuwa Dhexe, laakiin Sedaxdii sano ee ugu dambaysey Koofurta Somaaliya marka laga reebo Puntland iyo meelaha ay ka taliyaan Shabaab waxaa laga qaaday Imtixaan midaysan gaar ahaan Dugsiyada sare oo kaliya mana jiro ila iyo hadda Imtixaan kaas la mid ah o laga qaado Ardayda dhamaysanaya Dugsiyada dhexe.

Somaliland oo ku andacoota iney ka go’day Soomaaliya inteeda kale waxaa caadi ah in sanad walba Ardayda laga qaado Imtixaaan midaysan Dugsiyada sare Fasalka 4-aad  iyo kuwa dhexe fasalka 8-aad. Waxaa aan dhinacna raacsanayn oo Dowladda dhexena ka yare wanaagsan soomaaliland-na aan gaarin Maamulka Puntland oo ay budadoodu gooni u tuman tahay sababtoo ah waxay qaadaan Imtixaankooda gaarka ah iyagoo ka mid ah Dowladda Fedraaalka iskana diidey Imtixaanka Wasaradda Waxbarashada.

Hadaba waa sidee Imtixanka la qaado markaan ka hadlayno Soomaaliya iyo Somaliland? mala buuxiyaa shruudiha imtixaanka mise waa iska hoobaya hidoow? Somaaliya Imtixaankeeda marka hore la iskuma raacsana waxaadna moodaa in lagu qaado qaab awood sheegasho ah sababtoo ah waxaa jira Waalidiin badan oo Caruurtooda ka baajiya Imtixaanka Dowladda sababo la xiriira Amoonkooda kuwaas oo aan dheg jalaq loo siin, waxaa kaloo jirta Arday badan oo wax ka barta goobaha iyo deegaanada ay Shabaabku ka taliyaan kuwaasna waa la dayacay oo xil la iskama saarin, waxaa intaas dheer in aan xil wayn la iska saarin sharuudaha Imtixaanka oo laga rabo oo kaliya waxaa la qaaday Imtixaan midaysan. Waxaan hayaa daliil markaan sidaas leeyahay oo waxaan waraystay qaar ka mid a Ardaydii gashay Imtixaanka iyo Barayaashii Ilaalinayey labadaba. Waxaaa jirey qaladad badan oo burinaya sharuudihii Imtixaan lagu yiqiin.

Qaladka  1-aad. Maalintii koowad waxaa la galay laba maado laba waqti oo kala duwan, markii Imtixaankii 1-aad dhamaaday ayey Ardaydii is waraysteen maadaama ay ku kala galeen goobo kala duwan, waxayna ka sheekaysteen Imtixaankii ay galeen. koox ayaa tiri “Waxaan galnay Soomali” kooxdii kalena waxay tiri. “Waxaan galnay Tarbiya ama Carabi”  waxaaana dhacday in la isu yeeriyo su’aalihii Imtixaanka dambe. Qaladka 2-aad. Maalmihii kale waxaa dhacday in la helay Qishka Imtixaanka iyadoo Ardaygiiba la waydiisanayey 2$. Si loo siiyo Su’aalaha Imtixaanka Maalintaas la gelayo Kadibna Habeenkii Moobaylada la isugu diro. Qaladka 3-aad. Ma jirin ilaalin adag marka laga hadlayo Macalimiinta Waardiyeynaya Imtixaanka oo Ardaydu waxay xor u ahaayeen iney Imtixaanka Qishaan iyagoo si toos ah uga fiirsanayey Jawaabaha Moobayladooda Smartiga ah.

Mid ka mid ah ilaaladii Imtixaanka oo aan la sheekaystay ayaan waydiiyey waxay Cadaadis u saari waayeen Ardayda, waxa uuna yiri. “Ma waxaan cadadis saari karaa Arday xaalkiisa Ilahey ogyahay oo cabsi iyo wel-wel Imtixaan ku gelaya oo laga yaabo in aanu saaka soo quraacan oo Ceelasha Biyaha ka yimid oo hadana gelaya Imtixaan marka si loo eego aan sharci  ahayn” Waxaa taas ka sii daran Arday walba oo Imtixaankaas galay hadaad waydiiso rajadiisa  waxa uu ku leeyahay “Maba dhici karo, haddaan dhacana ujeedo ayaa la iga leeyahay sababtoo ah maba jiraan waxaan qalday haddaan qaldayna waa mid iyo laba”.

Somaliland waxaad moodaa iney wax badan kaga horeeyaan Soomaaliya inteeda kale waxaana taas u saamaxey waa  nabadda ay ku naaloonayaan, marka laga hadlayo gelitaanka Imtixanaadka Shahaadiga ah waxay qaadaan kan Dugsiyada Sare iyo kuwa Dugsiyada Dhexe labadaba, taasna waxay dheer yihiin Soomaliya inteeda kale, dhinaca kale waxay soo rogeen sharuudo saamaxaya in uu soo baxo Arday nadiif ah oo wax bartay, sababtuna waxa weeye waxay soo rogeen Ardaygii Qish lagu qabto waxaa la go’amiyey in hal sano dib loo celiyo, tasoo Ardayga ka mamnuucaysa in uu Qish ku tashado  iyo in goobaha Imtixaanaadka laga mamnuuco Telefoonada Smartiga ah oo Qishka gudbintiisa kaalin wayn ka qaata. Si kastaba ma jirto xil la iska saaro Imtixaanka Koofurta Soomaliya (Min Koofurta Gaalkacyo ilaaa Kismaayo). Mana aha arin loo cudur dari karo haddii ay wasaraddu heshay tasiilaadkii Imtixaanka oo dhan, marka isku soo wada duuboo IMTIXAANKA SOOMAALIYA IYO SOMALILAND WAA KAAF IYO KALA DHEERI.

  1. Cabdinaasir Xersi Iidle

Mail. Naasirx1@gmail.com

Tel. 00-252-615503978.