Inta Badan Booliska Galmudug oo Qarka u saaran Shaqo Joojin, Sababta ma Ogtahay?

0

Tiro aad u badan oo kamid ah ciidamada Booliska maamulka Galmudug ayaa waxay hadda qarka u saaranyihiin in ay shaqo joojin ku dhawaaqaan, sababtana waxay ku sheegeen Mushaar La’aan ay muddo dheer ku shaqeynayeen.

Ciidamada Booliska ee maamulka Galmudug ayaa la sheegayaa in ay intooda badan qaateen go’aan ay ugu dhawaaqi doonaan shaqo joojin, ka dhalatay in aysan helin Mushaaraadkooda muddo dheer.

Muddo Seddax Sano ah eyey sheegayaan qaar ka mid ah Saraashiisha Booliska ee Galmudug in aysan helin Wax Mushaar ah, taasoo keentay ugu dambeyn in ay qaataan go’aanka ay ugu dhawaaqayaan Shaqo Joojintooda.

Daryeel Caafimaad, Xuquuqda Caadiga ah ee shaqada, Gunnooyin midna Ciidamadu ma helaan sida ay Cabashadooda ku sheegayaan.