Isbadal laga dareemayo Muqdisho iyo maamulka Gobalka oo fariin u diray dhalinyarada.

0

Isbadalka xagga ammaanka ah ee laga dareemayo magaalada Muqdisho ayaa ah mid ku yimaaday qorshaha hagaagsan ee xagga ammaanka ah ee uu la yimid maamulka Gobalka Banaadir oo kaashanaya laamaha ammaanka ee dowladda.

Mudane Maxamed C/laahi Tuulah Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee maamulka gobalka Banaadir ayaa saraakiisha ammaanka ee gobalka iyo kuwa degmooyinka aad iyo aad ugu ammaanay dadaalka badan oo ay ku bixiyeen Sugidda amniga caasimadda.

Dhanka kale Guddoomiye ku xigeenka Dhinaca amniga ee maamulka Gobalka Banaadir ayaa fariin aad u muhiim ah u diray dhalinyarada Muqdisho, isagoo sheegay in loo baahanyahay in dhalinyarada ay u kacaan sugidda ammaanka magaaladooda sidoo kalana ay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka.

Waxaa cajiib ahaa Bishii Ramadaan ee la soo dhaafay oo dhan wax Qarax ah ama dhibaato ah aysan ka dhicin magaalada Muqdisho, taas oo ku Alle ka sakow dadaalka badan ee la galiyay amniga magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka dhawaajiyey asna inay wax lagu farxo ay tahay in magaalada Muqdisho haatan isbadal wayn oo xagga amaanka ah laga dareemayo.

“Bishii hadda lasoo dhaafay oo noqotay 10 sano kadib Bishii Ramadaan ee ugu horeysay oo uusan qarax dhicin runtii maaheyn wax shil ah oo dhacay waa howl aad looga shaqeeyey iyo qorshe la dajiyey oo aan ku amaanayo ciidamadena amniga ,oo runtii si hufan oo wanaagsan oo karti badan u shaqeeyey, oo habeen iyo maalin usoo jeeday sidii ay shacabkooda uga difaaci lahaayeen qolooyinka hororka ah oo dhibaatada maalin kasta ku hayo umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Maamulka Gobalka Banaadir ee hadda shaqeeya ayaa ah maamulkii ugu horeeyay ee ku guulaysta in maamulka ciidanka ammaanka heer degmo loo daadajiyo, isla markaana Guddoomiye kasta loo xilsaaranyahay ammaanka degmadaasi, kaas oo ku yimid dadaalka badan oo maalin iyo habeen ammaanka caasimadda uu ugu jiro Guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobalka Mudane Maxamed C/laahi Tuulah.