Isbitaalka DEVA oo laga Badelay Magaciisii oo Dibna Bilaabey Howshiisii

0

Bishii  Jully 15 Keedi ayaa waxaa dalka Turkiga ka dhacay Afgambi Milatari kaasoo Aakhirkii ku biya  Shubtey Fashil ka dib markii  Shacabka  Turkiga ay ay ka hortageen  Afgambigaas .

Afgambigaas oo lagu eedeeyey in uu ka dambeeyey Wadaad  ku sugan Dalka Mareykanka oo lagu Magacaabo Fatxul Laahi Gulaam ayaa markii Dambe Dowlada Turkiga ay Joojisey Wixii Dano ahaa ee uu ku lahaa Caalamka .

Dalka Soomaaliya  ayaa Dowladiisa islamarkiiba waxay Cambaareysey  Afgambigaas waxayna Albaabada isugu dhufatey D hamaan Goobihii uu ku lahaa Dalka oo isugu jirey Waxbarasho iyo Caafimaad .

Hay’ada Wadaadkaas oo lagu magacaabi jirey Nile Academy   ayaa Shaqaalihii Goobahaas ka shaqeyn jirey loo qabtey Muddo Todobaad ah in ay dalka isaga Baxaan.

Isbitaalka DEVA oo bixin jiirey Adeeg Caafimaad ayaa waxaa uu Xirnaa Muddo Laba Bilaad , waxaana  haatan uu bilaabey Adeegigi Caafimaad iyadoo Isbitaalkaas haatan loo bixiyey Rajab Dayib Ordogan, waxaana uu hoos Tagaa Isbitaalka Digfeer, iyadoo  Shaqaalaha ka shaqeyn doona Isbitaalkaas ay yihiin kuwa ay soo dirtey Dowladda Turkiga

14371979_764465390359748_784481784_n 14371809_764465343693086_712247209_n 14341684_764465403693080_1207165603_n 14331554_764465433693077_716699823_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here