ISKA JIR :Shufto Cusub oo ka dhalatay Qaraxii Zoobe .

0

Abaara 3-dii Galab-nimo ee Maanta ayaa waxaa qof ka mid ah Reerkeyga la soo xiriiray Nin sheegay in uu ku suganyahay Degmada Daafeed ee Gobolka Sh.Hoose.

Ninkan ayaa Reerka ku soo wergeliyay in uu Gurigiisa ku hayo Wiil naga maqnaa oo aan ku weynay Qaraxii Zoobe, waxa uu noo sheegay in Wiilka oo dhaawac ah oo Miir Daboolan uu ka soo qaaday isgooska Zoobe ,isagoona sheegay in Waayadan danbe uu raadinyay xiriirka iyo qoyska uu ka soo jeedo Wiilkan oo dhaawac ah.

Reerka oo aad uga farxay warka ka soo yeeray ninkaasi Madamada Wiilka laga samray Tacsina loo dhigay ayaa durbaba bilaabay in ay xiriir la sameeyaan ninkii warkan uu ka soo yeeray si ay wax uga weydiiyaan Macluumaadka wiilka iyo Astaamaha lagu yaqaano.

Ninkii ayaana sheegay Astaamo walba oo lagu yaqiinay Wiilka taasi oo shaki badan ku abuurtay Reerka keentayna in la aamino.

Waxaana Reerka ay ka codsadeen in uu u tilmaamo halka ay ugu imaanayan wiilkooda oo ay ka soo qaadan karaan.

Waxa uuna durabadiiba ninkii yiri ” Ha isdhibina aniga ayaa Daafeed ka soo qaadaya waxaana idin kugu keenayaa Ceelasha Biyaha, Waxaad Sameysaan oo kaliya in aad halkaasi timaadaan kana qaadataan Wiilkiina, waxaadna ii soo tuurtaan $20 dollar ah oo aan shidaal ka dhigto.

Isla markiiba waxaa loo tuuray Lacagtii Reerkiina waxa ay bilaaben in ay aadan dhankaasi iyo Ceelasha biyaha ilaa Afgooye.

Markii qaar ka mid ah Reerka ay gaareen Ceelasha Biyaha iyo Afgooye ayaa waxaa ay bilaabeen in ay laxiriiraan ninkii, waxa uuna markii uu Talefonka uu ka qabto uu yiraahdaa “Waan soo baxay waxaan soo marayaa Meel hebel waxaan u soo dhowahay Afgooye wiilka waan soo wadaa Gaari Kaarib ah ayaan soo saaray ee Talefonka badan iga dhaafa.

Markii lagaaray Abaare 5 Galab nimo ayaa waxaa dhacday in Ninkii uu Dansaday Mobilkii taasi oo isla markiiba shaki badan ku abuurtay Reerkii, waxaan Daqiiqado ka dib la xaqiiqsaday in ninkan uu ahaa Tuug doonayay in uu qaato lacagtaasi oo kaliya , Reerkiina waxay dib ugu soo laabatan Magaalada Muqdisho iyagoona aan soo helin Wiilkoodii loo sheegay in uu Nool yahay.

Dhacdadan ayaa waxaa aad uga argagaxay Reerka Wiilka iyagoona aad uga xumaaday arinta uu kula kacay ninkaasi Buracadka ah.

Dhacdadan ayaa la ii sheegay in ay san ahayn tii ugu horeysay ee dhacda waxaan sidaan oo kale lagu sameyay qoysas iyaguna Dadkooda ku waayay Qaraxii Zoobe waxana tani u muuqataa in ay tahay Falsafad cusub oo ay la soo baxeen Shuftadani.

Fadalan share-gareya lana wadaaga Saaxiibadiina si ay bulshada ay ugu digtoonaato Shuftadan cusub ee soo baxday ee doonaysa in ay dhacaan Dadka Ehelodooda ku waayay Qaraxii Zoobe.
W/Q: AbdiFitah Macalin Nur Qeys