Isku Shaandheynta Golaha Wasiirrada Jubbaland oo Wasiirro waaweyn Saameyn doona!

0

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa isku Shaandheyn saameyn doonta Wasiirro Jagooyin sare jooga, wuxuu ku sameyn doonaa xubnihiisa Golaha Wasiirrada.

Isku shaandheynta ayaa la sheegayaa in ay sababi karto in qaar ka mid ah Wasiirradu ay waayaan xilalkooda, halka qaar kalena ay soo laaban doonaan iyagoo qabanaya xilal ka duwan kuwii hore ee ay hayeen.

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in dadka ugu horreeya ee Arrintaan ay saameyn doonto uu ku jiro Wasiirka Amniga ee maamulkaas Cabdirashiid Janan, oo dhowaan ka mid ahaa Xubnihii tegay Beled-xaawo oo xiisad ay ka taagantahay.

Wasiirka ayaa la sheegayaa in uu muteysan karo in shaqada laga joojiyo oo Booskiisa la keeno xubin kale oo ay isku qoys yihiin.

Sababta rasmiga ah ee ay Isku shaandheyntan isaga u saameyn karto lama sheegin, balse qeyb waxaa ka ah Safarkii uu ku tegay Beled-xaawo kaasoo ay maamulka Jubbaland qeyb ahaan u arkayeen mid uusan mudneyn in uu halkaas ku tago.

Wasiirrada Caafimaadka, Waxbarashada iyo kuwo kale ayaa sidoo kale la sheegayaa in isku dhaandheyntu ay saameyn doonto in kastoo laga yaabo in aysan toos uga tegin xilalka ay joogaan, balse loo kala weeciyo wasaarado kale.