Itoobiya: Ciidamo gadoodsan oo tagay xafiiska Abiy Axmed

0

Dhowr boqol oo kamid ah ciidamada Itoobiya ayaa socod ku tagay xafiiska Raisul wasaaraha dalkaas ee magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa ayagoo dalbanaya in mushahaarka loo kordhiyo. xaaladdaas ayaa keentay in waddooyinka qaar la xiro khadka interner-kana si ku meelgaar ah loo damiyo.

Shacabka magaalada Addis Ababa ayaa waxaa soo wajahay walaac loo qaateen ah kadib markii boqolaal kamid ah ciidamada dalkaas oo ku labbisan dareeska ciidanka qaarkoodna ayba hubaysnaayeen ay socod ku tageen xafiiska Raisul wasaaraha Itoobiya.

Ciidamadan oo ah kuwo siggaar ah u tababaran ayaa loo oggolaaday in ay hor dhoobtaan xafiiska Raisul wasaare Abiy Ahmed.

Balse markii uu Raisul wasaaruhu uu soo baxay si uu ula kulmo kuma aanu farxin in qaarkood ay dareen dhaliyeen hubkii ay siteen awgeesiis.

sidaas darteen wuxuu faray in ay kac fadhiistaan oo ay jimicsi sameeyaan, taas oo ciqaab ku ahayd ciidamadii hubaysnaa.

Farxaddii ka muuqatay sawirrada ayaa laga dheehan karey in loo meel mariyey dhammaan wixii ay codsadeen.