Jaamacada Green Hope oo lagu soo bandhigey Daraasada la Xiriirta Nidaamka  Federal & Dowlad Wanaagga

0

Jaamacada Green Hope Qaybteeda Taleex ee Degmada Hodan waxaa lagu soo bandhigey Daraasad la Xiriirta (Federal System an Good Government) oo ah Nidaamka  Federaal iyo Dowlad Wanaagga, waxaana Doodaas ka qayb galey ardeyda Jaamacada Green Hope iyo Ardey kale oo ka socotey Jaamacadaha Magaalada Muqdisho.

Ugu Horeyn waxaa ka hadleu Gudoomiyaha Jaamacada Green Hope Xuseen Tooxow Faarax Iwaxaana uu sheegey in Ujeedka ay u qabteen Doodaan ay tahay in ardeyda ay wax badan ka fahmaan Habka Federaal iyo Dowlad Wanaagga,oo uu sheege in  uu yahay Nidaam ku Cusub Dalka.

Prof Xuseen Tooxow waxaa uu u Mahadceliyey  Dhamaan  Macalimiintii iyo ardeydii ka qayb qaadatey in ay soo diyaariyaan Daraasadaas  gaar ahaan Kuliyadaha  Public Administration iyo International Relationship wuxuu u soo jeediyey  ardeyda in ay si Wanaagsan uga Faaideystaan Daraasadaan ku saabsan Habka Federaal iyo Dowlad Wanaagga,

Dooda oo uu qaybinayeen Ardeyda kala ah Xasan Faarax Waare iyo Mudane Cigaal  ayaa u Mahadceliyey Macalin Mukhtaar Raakici oo ah Macalinkii sida weyn u soo diyaariyey Daraasadaan la Xiriirta Habka Federaal iyo Dowlad Wanaagga.

Macalin Mukhtaar Raakici oo ka Hadley Bandhiga Daraasada  ku saabsan Habka Federaal iyo Dowlad Wanaagga ayaa sheegey in Ujeedka Daraasada ay tahay in ardeyda wax badan ka ogaadaan Nidaamkaas islamarkaan ardeyda laga helo Fikrado la xiriira Habka Federaal iyo Dowlad Wanaagga.

Ardey ayaa Markii loo Gudbiyey Daraasadaas oo ay ka doodeen ayey u qaybsameen kuwa la dhacsan Habka Federaal iyo Dowlad Wanaagga iyo kuwa ka soo horjeedo Nidaamkaas oo ay sheegeen in Somaaliya aysan Xilgaan nu Baahneyn Nidaamkaas.

W/Q: Amiin Yuusuf Khasaaro