Jacob Zuma oo 2 Maalmood loo qabtay in uu xilka uga dego

0

Tan iyo Sanadkii 2009-kii ayaa lagu eedeeynayay madaxweynaha Koonfur Africa in uu musuq maasuqay hanti dadweeyne, in kastoo waxba kama jiraan uu ku tilmaamay eedeeymahaasi loo soo jeediyay.

Madaxda Xisbiga illaa imminka si faah faahsan uga ma hadlin go’aankaan ay qaateen  , kaliya marka laga reebo in ay ceyrinayaan Zuma oo sumcaddiisa ay sii lumeeyso.

Waxaan sidoo kale caddeeyn sida Jacob Zuma uu u aqbalayo ama u weeyn doono xubinnimadiisii Xisbiga , iyada oo la filayo in go’aankaasi si rasmi ah manta oo talaada ah Xizbiga ANC ay ugu dhawaaqo.

Waxaa ka dhacay Magaalooyin badan oo dalkaasi ah dibad baxyo dadku ay ku dalbanayeen in uu xilka madaxweyne iska casilo madaxweyne Jacob Zuma.

Ciidmada Pooliska ayaa suntan dadka ka ilmeeysiisa iyo budad ku kala ceeyriyay dhowr jeer dibad baxayaasha oo socod ku marayay waddooyinka iyaga oo ku dhawaaqayay hal ku dhigyo ay ku muujinayaan sida ay uga soo hor jeedaan in uu xilka sii hayo Zuma.