Jubbaland oo Burburisay Saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen Jubbada Hoose

0

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland ayaa waxay Saakay Aroortii Weerar ku qaadeen Saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanno ku dhow Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.

Wuxuu howlgalka maanta ka dhacay deegaanka Wirkooy oo ka tirsan goobaha ay Al-shabaab ku lahaayeen xarumo.

Weerarka inta uu socday waxaa lagu dilay ilaa 7 Dagaalyahannada Shabaab ah, sida ay sheegayaan saraakiisha ciidanka Jubbaland.

Howlgalladii u dambeeyay waxay ciidanka Jubbaland ku tageen deegaanka Wirkooy, halkaas oo ay ku Burburiyeen Saldhig ka mid ah kuwii ugu waaweynaa ee Shabaabku ay ku lahaayeen Jubbada Hoose.