Kala guurka Somalia: Afar arrin oo u baahan in la tix-geliyo

0

Soomaaliya iyo beesha caalamka waxay qorsheynayaan in mar kale ay hirgeliyaan kalagguur. Markan, ujeedku waa in ciidamada Amisom laga wareejiyo sugidda amniga iyada oo lagu wareejinayo ciidamada qaranka Soomaaliya.

Qorshehan kalagguurka wuxuu soo baxay sanadkan 2018. Wejigiisa koowaad, waxaa la qorsheeyay in lagu xaqiijiyo saddex ujeeddo: 1. In Garoonka Muqdisho lagu wareejiyo ciidamada Soomaaliya. 2. Sugidda amniga waddada iskuxirta baydhabo iyo Muqdisho. 3. In laqabto magaalada leego. Ujeedka hore waa la gaaray laakiin labada dambe weli lama xaqiijin.

In Amisom laga qaado sugidda amniga dalka ma aha mid sahlan. Haddii aan lagu heshiin, waxay qaadanaysaa toban sano.

Ugu dambayn, xilliga uu hirgelayo kalagguurka Soomaaliya waa in la tixgeliyaa afar arrimood.

1. DIFAAC GELINTA ALSHABAAB

Alshabaabku wuxuu haystaa fursado siin kara in uu sii jiro sanado badan. Wuxuu dib u qabsaday qaybo ka mida koonfurta Soomaliya. Dagaalyahankiisu wuxuu cabsiggaliyaa dadka magaalada, wuxuu ku dhex jiraa ciidamada Soomaaliya. Wuxuu dadka ka dhex sameeyaa dhaqaale badan. Wuxuu weerar ku qaadaa ciidamada Soomaaliya iyo Amisom.

Intii u dhexeysay Oktoobar 2017 ilaa April 2018, Alshabaabku wuxuu sheegtay afar boqol toban iyo siddeed weerar, oo isugu jira weeraro toos ah, qaraxyo, weeraro dabaggal, iyo dilal qorsheysan. Marka afar loo dhigo weeraradaas laba dhig waxaa lagu bartilmaamaystay ciidamada qaran Soomaaliya (SNA). In yar oo ka mida waxaa lagu qaaday Amisom.

Alshabaabku wuxuu kordhiyay weerarada uu ku bartilmaamaydsado ciidamada Amisom iyo dowladda Soomaaliya ka dib markii ay yaraadayn hawlgaladii Amisom iyo ciidamada dowladda ay uga soo horjeedayn Alshabaab. Ka soo bilow sanadkii 2016, ciidamada amisom iyo ciidamada kummaandooska Soomaalida ee loo yaqaano Danab, iyaga oo is garabsanaya waxay weeraro ku qaadayn Alshabaab. Ka bilow 2017, waxaa jiray konton weeraro cirka ah ay qaadayn dorooniska (drones) maraykanka.

Hawlgaladaas waxay keeneen guul, iyada oo sidaas ah haddana maysan joojin saamaynta Alshabaabku ku leeyahay shacabka. Muqdisho gudaheeda, ganacsatada waxaa lacag uga qaata Alshabaab.

. XOOJINTA CIIDAMADA SOOMAALIYA

Waxqabadka ciidamada Soomaaliya waa mid isku qasan. Waxaa jira horumaro ay sameeyeen ciidamada booliska federaalka iyo maamul gobolleedyada. Tani waa muhiim maxaayeelay halista ugu badan ay Soomaaliya wejihayso waxay u baahan tahay sharci xoojin (Law enforcement) ee uma baahna xoog militari. Dhanka kale, marka laga reebo DANAB, ciidamada qaranka Soomaaliya ma aha kuwa diyaarsan. Qiimayn la sameeyay sanadkii 2017, waxaa lagu sheegay in iskudhexyaac badan ka jiro qayb walba oo ka mida ciidanka, ka soo bilow amar qaadashada, iskusocodka, khalabka, kaabayaasha iyo asluubta (Dishibiliinka). Waxaa ka sii daran musuqa saraakiisha ciidanka iyo madaxda siyaasadda.

Ciidanka Qaran Soomaaliya waa ciidan qaran laakiin magacuyaal ah. Awood uma laha in ay qaadaan weeraro ka dhan ah Alshabaab, dadka gaar waxay ka haystaan aragti taban.

3. DIBUGULAABASHADA AMISOM

Qorsheha kalagguurka Soomaaliya wuxuu dhalinayaa in dib loogu laabto Amisom. Sida aan ku faahfaahiyay buuggayga “Fighting for Peace in Somalia: A history and analysis of the African Union Mission (AMISOM), 2007-2017.” Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka, labaduba waxay qiimayn ku sameeyeen awoodaha Amisom iyada oo hadafku ahaa in laga caawiyo doorkeeda cusub. Wixii horusocod ah waxay ku xiran tahay golaha amaanka iyo midowga Afrika.

Caqabadaha haysta Amisom waxaa ka mida in aysan haysan ciidamo u tababaran fulinta weerarada degdeg ah iyo in aysan weli la falgelin shacabka sababo xaga luuqadda ah. Shaqada ugu muhiimsan ee Amisom qabatay waxaa la dhihi karaa: Kasaariska Alshabaab magaalooyinka waaweyn, furista iskusocodka waddooyinka (sida tan baydhabo ilaa Muqdisho), iyo in ay Alshabaab difaac gelisay. Iyada oo sidaas ah, haddana waxay wejihayaan caqabado badan. Dalalka ciidamadooda soo diray waxaa ka mida Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Ugaandha. Ujeedka wuxuu ahaa fulinta hawlgalo looga soo horjeedo Alshabaab iyada oo suurtaggal tahay in uu ka soo gaaro khasaaro. Tani waa mid cad waayo Amisom waxay samaysay hawlgalo badan, kaas oo ka dhashay khasaaro. Caqabadda labaad, tirada ciidamada Amisom ma aha kuwa meesha ka saari kara awoodda Alshabaab.

Marka laga soo tego ciidamada militariga, waxaa kaloo jira toddoba boqol oo saraakiil boolis Amisom ah, waxay tababar siiyaan ciidamada booliska Soomaaliya.

4. ISKUDDUWIDDA BEESHA CAALAMKA

Dadaalka caalamiga ah ee la rabo in lagu nabadeeyo Soomaaliya waxaa qayb ka ah in ka badan afartan dowladood iyo ururo badan. Qaybaha ugu muhiimsan hawlahooda waxaa ka mida ‘iskuddubarrid’ si loo rumeeyo malada ah suurtaggalnimada in lagu guulaysan karo nabadaynta dal ku sugan marxalad kalagguur ah-ka soo baxay colaad u socda nabad. Iyada oo aysan muuqan xaal nabadeed ku aaddan soo afjaridda colaadda Alshabaab.

Maanta, beesha caalamka laba meelba dhib baa kaga furan: Tan koowaad, lacag fiican ma siiso ciidamada Amisom. Ka bilow bishii jannaayo 2016, nabad ilaaliyaasha Afrika waxay bilgoosad u helayn siddeed boqol oo doollar halka nabad ilaaliyaasha qaramada midowbe ay ka qaataan kun saddex boqol iyo konton doollar. Lacag yarida haysata Amisom waxay saamayn taban ku reebtay mooraalka iyo waxqabadkooda. Tan labaad, beesha caalamka waxaa looga fadhiyaa in ay la timaaddo qorshe cusub oo ku aaddan taageerada ciidamada Soomaaliya gaar ahaan dhanka amniga. Bangiyada in lacag loogu shubo dowlad sida ciidamada qaranka oo kale musuq badan waa mid halisteeda leh laakiin ugu yaraan waxay is-hortaagaan Alshabaab.

Yeelkeeda, tobankii sano ee u dambeysay waxaa jiray dadaallo badan oo lagu bixiyay nabadda Soomaaliya balse shaqayn waayay. Waddada ugu macquulsan ee loo mari karo nabadaynta Soomaaliya waa su’aal ku taagan hoggaamiyaasha Soomaalida.

WQ: Paul D. Williams

Paul D. William wuxuu bare sare ka yahay jaamacadda George Washington.

WT: Hassan Mudane

Hassan Mudane wuxuu bare ka yahay jaamacadda City.