Kenya oo dhismaha Derbiga Xuduudda Bollowday & Shacab Mudaharaad la hortaagan

0

Wararka ka imaanaya magaalada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas ay Kenya ka billowday dhismaha Derbiga ay ku dooneyso in ay isaga xirto Xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

Ciidamo badan ayey Kenya soo dhoobtay goobta derbiga laga dhisayo, iyadoo Khilaaf xooggan oo Arrintaas ku saabsan uu ka dhashay halkaas.

Shacab badan oo kuwa degmada Beled-xaawo ah ayaa waxay isugu soo baxeen Halka ay Kenyan-ku doonayaan in ay dhisaan, iyadoo Mudaharaad uga hortegay.

Waxaa Taagan xiisad u dhexeysa Shacabka Beled-xaawo iyo Ciidamada Kenyan-ka ah, in kastoo uusan hadda socon dagaal u dhexeeya Labada dhinac.

Kenya ayaa u muuqata mid hadda ka Faa’iideysaneysa Khilaafka iyo Muranka Siyaasadda ee ka taagan Golaha Shacabka Xukuumadda Soomaaliya, iyadoo laga warqabo markii uu Kalfadhigii hore Baarlamaanku Guddi ugu Saaray Arrintaas in ay joojiyeen dhismaha Derbigaas.