KG: Al-shabaabka is dhiibay waa 7 Xubnood, mid waa Sarkaal, Gaari dagaalna wey wateen!

0

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in Tiro dagaalyahanno Al-shabaab ay iyo gaari nuuca dagaalka ah oo ay wateen ay isu dhiibeen ciidamadooda ku sugan Gobolka Baay.

Wasaaradda Amniga ee maamulkaas ayaa ku dhawaaqday in ay ciidamada Ammaanka isu dhiibeen 7 ka tirsan Dagaalyahannada Al-shabaab ee ka howlgeli jiray Gobollada Shabeellaha hoose iyo Baay.

Shabaabka is dhiibay ayuu sheegay Wasiiru Dowlaha Amniga ee maamulkaas in uu ku jiray Sarkaal sare, sidoo kalena ay wateen Gaari nuuciisu yahay Cabdi Bile.

Cabduqaadir Cabdiraxmaan Cali ayaa sheegay in raggaas ay u sheegeen in ay kasoo Carareen Duqeymaha isla markaana ay goosteen intii ay dhuumaaleysi ku dhiman lahaayeen in ay dadkooda wax la qeybsadaan oo ay isu dhiibaan dowladda.