Khasaare Dhimasho & Dhaawac ah oo ka dhashay Madaafiic maanta kusoo dhacay Muqdisho

0

Madaafiicda oo ku dhacay Agagaarka Guriga Fannaaniinta ee Ex-Fiyoore oo aan wax badan ka fogeyn Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ku dhintay Haweeney Canug Yar Nuujineysay, halka ay sidoo kale ka dhaawacmeen tiro dad ah.

Haweeneyda ayaa la sheegay in uu kusoo dhacay Madfac Guriga ay ku sugneyd, isla markaana uu dilay iyada, cunugii ay nuujineysayna aysan wax weyni soo gaarin.

Inta la ogyahay 3 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarkaas Madaafiicda ah oo aan la ogeyn halka laga soo qaaday.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdicasiis Xildhibaan ayaa Madaafiicda keddib isagoo ka hadlayay goobta ay wax kusoo dhaceen wuxuu sheegay in Baaritaan deg-deg ah lagu sameynayo, halka laga soo tuuray iyo dadka soo tuuray intaba.

Wuxuu Ballan qaaday in wasaaraddu ay tillaabo ka qaadi doonto dadka ku howlan Falalka Amniga liddiga ku ah oo ay ugu dambeysay Duqeynta maanta lala beegsaday Guriga Fannaaniinta iyo qeybo ka mid ah Madaxtooyada Soomaaliya.