Khayre oo xafiiskiisa ku qaabilay Xasan Sheekh

0

Ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxwaynihii hore ee dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo madaxweyihii hore ayaa iska xog-waraystay xaaladda dalka, intaa kadib ayaa ra’iisul wasaauhu waxa uu madaxwaynihii hore geeyay waaxyada kala duwan xafiiska ra’iisul wasaaraha oo dib u habayn ballaaran ay ka socoto.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay horumarka la gaaray, wuxuuna xusay dhammaan bulshada Soomaaliyeed in looga baahan yahay inay taageeraan dowladnimada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa horay hoygiisa ugu booqday madaxwaynihii hore ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud oo 29-kii bishii August ee sanadkan dalka dib ugu soo laabtay.