Kheyre “DFS Akoonka lacag uguma jirin markaan imid” Nuur Jimcaale: Anigaa $5m xukuumadda ku wareejiyay!!!

0

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa isagoo ka qeyb gelaya Xaflad loogu magac daray Soomaalida Cusub, wuxuu halkaas ka sheegay in uu xafiiska yimid Qasnadda Dowladda oo uusan Shilin ku jirin.

Hadalkiisa waxaa si rasmi ah u beeniyay Hanti Dhowrihii Qaranka Dr: Nuur Faarax Jimcaale oo sheegay in uu isagu ku wareejiyay iyagoo wadajira isaga iyo Wasiir Beyle lacag dhan $5milyan oo Doollar, taasoo sida uu sheegay haddii ay maqantahay ay iyagu Lunsadeen.

Agaasimaha Hay’adda Kobcinta, isla xisaabtanka iyo hufnaanta ee Africa Dr Nuur Faarax Jimcaale ayaa sheegay in ay tahay wax lala yaabo in wax Dukumiintiyadoodii la haayo bulshada lala hor istaago lama arag lamina Maqal.

Ra’iisul Wasaaraha ayuu sheegay in uu yahay nin aan ka fiirsan waxa uu sheegay, haddiiba uu sidaas uga hor dhawaaqay Bulsho, isla markaana ay isaga iyo Wasiirka Maaliyaddu isla ogyihiin waxa uu ku dhawaaqay.

Wuxuu yiri “Hadalkaas waa Been Abuur iyo ka fiirsi la’aan, anigaa haya Dukumiintiyadii oo saxiixan, kuwaas oo aan kula kala wareegnay lacagta 5ta Milyan ah ee aan Qasnadda dowladda ku ilaalinayay, haddii ay luntayna iyaga ayaa isticmaalay” ayuu hadalkiisa raaciyay.