KHEYRE IYO QABYO MA IS-GAADAYAAN MISE WAA WADA SHAQEYNAYAAN?

0

Waa la is hayaa, tartan siyaasaddeed oo culus ayaa furmay, isbadal ayaa ku yimid Jawigii siyaasadda, shirar aan horey loo arki jirin ayaa soconayo, bandhigyo cajaa’ib badan ayaa la arkayaa, sheeko aan la fahmi karin ayaa soo if-baxday, koox walba oo ka mid ah dhinacyada uu halganku ka dhaxeeyo Guul siyaasaddeed oo iskeed ah ayay sheeganaysaa.

Dhinacyada u muuqda inay loolamayaan ayaa yeeshay laba kulan oo u ek {Home & Away}, macnuhu midba mar ayaa loo martiyay, lugtii Koowaad ee is-aragga labada dhinac ayaa ka dhacday hoyga hogaamiyaha Qabyo ahna Madaxweynihii hore Xildhibaan Xasan Sheikh Maxamuud, lugtii Labaad ee kulanka ayaa iyaduna ka qabsoontay Xafiiska Ra’iisul-wasaare Xasan Cali Kheyre.

Faah-faahin badan lagama hayo labaddaasi shir oo isha lagu wada hayay, booqashadii uu Kheyre ku tagay hoyga Xasan Sheikh waxaa lagu tilmaamay inay isugu jirtay salaan iyo soo dhaweyn oo Kaliya, halka socdaalkii uu isna Xasan Sheikh ku yimid Madaxtooyada lagu macneeyay inuu la xiriiray martiqaad uu ka helay hogaamiyaha Xukuumadda Nabad iyo Nolol.

Xildhibaanada kala taageersan labada horjooge ayaa mid kasta waxa uu aaminsan yahay inuu dhinacooda horumar ka sameeyay kulamadii dhacay, inkastoo hogaamiyaasha Qabyo iyo reer Nabad iyo Nolol ay xabadka is-galiyeen, isla markaana ay farxad isu muujiyeen ayaa haddana waxaa xaqiiqo ah inay xagga dannaha siyaasadda ku kala duwan yihiin, hubaashii ma dhaceyso in Qabyo ay isu dhiibto Nabad iyo Nolol, Kheyre iyo kooxdiisana laga sugimaayo inay u hogaansamaan rabitaanka xulafada Qabyo.

Waa la isku maqan yahay, riwaayad siyaasadeed ayaa la isku dhigayaa, dhabtii dheesha {cayaarta} haatan socoto wey adkaan doontaa, dhawaa iyo dheeraaba wey soo bixi doontaa sida loo kala feker duwan yahay, waa calaacal timo ka soo baxeen in labada dhinac ay isku aragti noqdaan, la arki doonee ciddii la gaado iyo kooxdii ku adkaato siyaasadda iminka socoto.