Khilaafka Cusub ee UN iyo DF Xaqiiq+ Cillad+ Sabab: Qore Yaxye Caamir

0

Xaqiiqda khilaafka cusub ee somaliya iyo UN, Iska ogoow dhibaatadu halka ey naga heeyso.

1) Xaqiiq:

Hadaan si waasac ah u darsino. Khilaafka soo kala dhaxgalay UN & Dowladda Somaliya, ee maalamahan Baraha bulshada aan ku aragno, ma ahan khilaaf Siyaasadeed ee waa mid Maamul.

Dowladdu waa ku gar leedahay in ey Canshuurto Mushaarka shaqaalaha faraha badan ee UN oo aan rasmiga eheyn ee somalida, Kenyatiga, Hindida iyo kuwa kale oo Xalane ka shaqeeyo , mana ahan shaqo Qof Somali ahi uu qaban karo in la siiyo qof Ajnabi ah.

Waxaa kale oo ey xaq u leedahay Wasaaraddu in ey Canshuurto qandaraasleeyda Ajaanibta ah iyo kuwa Somalida ah “International, local contractor, and sub- contractors” ee qandraasyada ka qaato UN. Kuwaa oo Qalabka ey ku keenaan Canshuur dhaafka UN, Qeyb ka mid ah ey suuqa geeyaan,suuqana ey kula tartamaan Gancsato aan heysan Canshuur dhaaf. Sida Shidaal, Qalab dayactir iyo Qalab Xafiisyeed, canshuur badanina ayaa ku baaqato.

Hayadaha UN ka caawiyo Nabadgalyada “Security” oo u eg Calooshood u shaqeystayaal,iyagana waa in cashuur laga qaado. Xatta Eeyaha ey wataan ee dibada laga keeno iyo kharajka ku baxo waa in la canshuro,weliba Eeyaha qaar ayaa Mushaar qaato sida la sheegayo!!, badalkoodana waa in shaqadaa la siiyo loona tababaro Eeyaha Soomalida ee Gudaha ku shaqo la’. Dhinaca kale waa in la baaro Caafimaadka Eeyahaa. ( taa hore waxaa u soo jeediyay qaar ka mid ah Ardaydeeydii oo u shaqeeyo wasaaradda Maaliyada). Xatta Cilmi barayaasha “Researchers”, iyo la taliyayaasha “ Consultancies ” UN waxaa ku baaqday Canshuur ey dowladu xaq ugu lehey.

Laakin, Sida ku cad heshiisyada Caalamiga ah oo an wax ka saxiixnay, Lama Canshuuri karo Shaqaalaha Rasmiga ah ee UN iyo Amisom Mushaarkooda, Deeqaha gargaarka ah, waana in la siiyo fasax shaqo iyo in Multiple Visa loo fududeeyo shaqaalaha UN-ka.

2) Cilladda:

Xafiisyadeena oo aan isku xirneeyn,oo midna Fasaxay bixiyo, midna diidayo .

Md.Cabdiraxmaan Ducale Beyle oo ahaa wasiirkii Arrimaha Dibadda Dowladii Hore ee aheeyd 10ka wasiir,waxa uuna xilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda hayay 17 Janaayo 2014 illaa 27 Janaayo 2015, waana waqtigana la anxiyay Heshiiskii ahaa in aan la canshuurin UN, hayadaha qandraaska ka qaato iyo shaqaalaha aan joogtada aheeyn, taa oo khalad aheeyd. Khaladkaa Wasaaradiisu markii ey galeysay isma leheeyn wasiir Bayle adiga ayaa Maalin noqon doono Wasiirka Maaliyada ee loo magacaabay March 2017.

Waxaa Beyle Xilka wasaarada Arrimaha Dibada kala wareegay, Cabdisalaam Cumar Hadliye oo xilkaa hayay 27 fabraayo 2015 illaa March 2017,laakin Hadliye laftiisu Heshiiskii khaladka ahaa oo markaa waqtigiisu dhacay,intii uu wax ka badali lahaa sidiisii ayuu u sii ansixiyay in uu Heshiisku sii socdo illaa 2020.

Halka nalaga asiibay bilaawgii waa Heshiiskii SOMA , waxa ku heshiiyay Dowlada Somalida iyo AMISOM-Adis ababa 6 march 2007,kadib shir socday 6 cisho. Heshiiskaa oo ka koobnaa 21 page. Dhinaca Somalida waxaa u saxiixay Amb. Cabdikarim Faarax oo ahaa Safiirkii Somalida kana wakiil ahaa Wasaarada Arrimaha dibadaa ,dhinaca kale waxaa ku saxiixan wakiilka African Union commission for peace and security.

Heshiiskaa oo loogu gogol xaarayay ciidamada AMISOM ee ka howl gali doono Somaliya, xuquuqdoooda iyo xuriyada ey ku howl gali doonaan, ( kaa Wasaarada Arrimaha Dibaddu si fiican ugama fekerin in la saxo waqtiyadii dambe) waxaa kale oo aan si fiican waqtigaa looga fiirsan heshiiska SOFA-UNARMs. Status of Forces Agreement, kaa oo muujinayo sida ey u dhaqmi karaan Ciidama Ajnabi ah ee tagaya waddan kale si ey xasiloonida u soo celiyaan ka fiiri” UN Archives”

Heshiiskaa Canshuur dhaafka ee labadii Wasiir Arrima dibadeed ee hore ey la galeen, UN Support Office in Somalia ( UNSOS),ayaa Asaas u ah khilaafka maamul ee maanta, heshiiskaa oo loo yaqaan, Status of Mission Agreement ( SOMA) kaa oo ahaa in la fududeeyo wadashaqeynta UNSOM & Dowlada laakin aan si fiican looga fiirsan markii la saxiixayay.

Ka cabashada Heshiiska Dowladii hore iyo UN ee SOMA, ayaa keenay in Wasaaraka Maaliyada Md. Bayle oo hore masuul uga ahaa Wasiiradaa Arrimaha dibaddu uu hadda ka qeyliyo,isla heshiiskii waqtigii uu Wasaaradda Arrimaha Dibada joogay uu wax ka qaban karay.

Arrintaasi, waxa ey dhalisay in wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda Md. Axmed Ciise iyo Madaxa UNOS ,Ms. Lisa Filipetto ey dib uga wada hadlaan, la iskuna fahmi waayay, kadibna Golaha Wasiirada & Ku xigeenka wakiilka Xoghayaha Guud DSRSG/RC –Mr. Peter De Clercq ey ka wada hadleen 30/10/2018, kadibna Wasaarad Maaliyada ey ka wada hadleen iyada oo loo saaray guddi farsamo 28/11/2018,welina xal lagama gaarin.

Wax yaabaha la isku mar la’yahay waxaa ka mid ah sharciga Socdaalka iyo Canshuuraha ee UNLP Document iyo heshiiska UNSOS, Multiple Entry Visa ey soo siiyaan Safaaradaheena Dibadda oo haddana isla Dowladii eyna aqbaleyn marka Dalka lagu soo galo.

UN oo ku doodee,heshiiskaan Canshuur dhaafka adinkaa nala gasheen, waxa uuna yaal xarunta UN ee New york annagu hadda halkaan wax kuma bedeli karno,ee taga Xarunta UN, xodxodasho gala hadiiba aad ka bexeeysiin heshiis aad hore u gasheen, ama suga waqtiga uu dhacayo 2020 markaa kadibna heshiis cusub nala gala.

3) Sabab

Maxaa keenay in hadda aan ka cabano Heshiiskaa hore.

IMF ayaa tiri: Saddaxda Bil ee Sannadkaan ugu horeeyso soo xareeya dakhli dhan $ 50 Million, ka hor March 2019, si shuruudaha qaar aad uga gudubtaan, kadibna shuruudaha xigo aad u gashaan.( Hore ayaan u qoray in heshiisyada IMF eey yihiin kuwa aan dhamaan) Dakhligana been lagama sheegi karo oo kooxda Staff Monitory Group ayaa la socoto dhaqdhaqaaqa dakhliga Somalida.

Canshuurta ugu badan oo Mogadishu oo kaliya laga qaado ma dabooli karto dakhliga nalaga rabo oo hore ayaa culeeysku ugu badnaa Canshuur bixiyayaasha. Waxaa la damcay in Canshuur laga qaado Heyadaha Xalane degan ,taana Heshiiskii aan hore u galnay ayaa naga hortaagan, marka waa in Canshuurta lagu badiyaa dadka Magaalada ka hor bisha March 2019.

IMF ayaa soo saartay war bixin Maamul ahaan iyo Siyaadsad ahaanba ey ku saxan tahay laakin Cilmiga dhaqaalaha khalad ku ah.3.5% waa koror weyn, dhinaca kale Aduunka kama jiro Dal dhaqaalihiisu uu kordhi karo 31% 2017-2018, waxa kordhay ma ahan Horuumar dhaqaale, ee waa dakhil cashuur lagu kordhiyay intii hore sida IMF-ba ey u sheegtay.

Cilmiga dhaqaaluhu waa cilmi Bulsho “Social Science” ma ahan in hal dhinac wax laga fiiriyo, IMF ma ahan heyad horuumarineed ama tixgalisa koror dhaqaale iyo saameeynta Nabadgalyo ama Bulsho ee ka dhalan karto, IMF waxa kaliya oo ey fiiriso waa dakhli ma batay waana shaqadeeda, dhaqaalayahanada ayaa laga rabaa in dhinaca kale ey ka Miisaamaan Xaaladan oo kale haddii ey dhacdo.

Waa runteed IMF dakhligii Canshuuraha ee u soo xaroonayay Wasaaradda Maaliyaddu waa batay, laakin dhaqaalihii miyaa kordhay?, warshado, beero iyo ilo kale oo dhaqaale miyaa batay?, waa maya, Canshuurtii la soo qaadayay ayaa badatay, ee Horuumar dhaqaale ma jiro wax soo saarka guduhuna ma badan. Cilmiga dhaqaaluhu waxa uu qabaa haddii canshuurta in la badiyo kaliya laga fekero iyada oo aan dhaqaalaha laga fekerin waxaa ka dhalanayo in Canshuurta lafteeda la waayo, in Noloshu ey qaali ku noqoto Dadweynaha iyo in Nabdagalyadu xumaato, taasina meela badan oo dunida ah ayeey ka dhacday.

Talo:

1-IMF hanaga dhaafto cadaadiska ah in aan Canshuurta ku badino Dadkeena oo aan dakhili ku filan leheeyn.

2-UN waa naga gar leedahay oo Heshiiska Canshuur dhaafka waxaa saxiixay dowladihii hore ee hanoo ogolaato in aan aan Xalane ku dhax Canshuurno Qandaraasleeyda aan eheyn UN ee faa’iido doonka ah ee Ajnabiga iyo somalida isagu jiro, in la canshuuro Shaqaalaha UN-ka ee aan joogtada aheeyn, heeyadaha nabadgalyada ee madaxa banana iyo Eeyaha Ajnabiga ah lana hubiyo Documentiga iyo Caafimaadka Eeyaha, laguna bedelo Eeyaha Dalka mana jiro Sharci noo diidayo.

3-Wasiiradu in ey ka fiirsadaan Heshiisyada ey galayaan ee iyaga dib ugu soo noqonayo ama Walaalahooda Xilka uga dambeeyo,sida tan dhacday ee wasiirkii hore ee arrimaha dibadda oo isla heshiiskii dib ugu soo noqday isla isagii markii uu noqday wasiir maaliyadeed.

4- In aan laga fekerin Dakhli kordhin oo kaliya, ee laga fekero Dhaqaale kordhin guud.

FG: Ma ahan Qoraal Siyaasadeed ee waa mid dhaqaale. wixii aan ka khalday iga sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Waxaan u hibeeyay Ardayda barato Cilmiga dhaqaalaha.

Qore: Yahya Amir