Khilaafka Kenya iyo Somalia iyo Jawaabta 7 Su’aalood

0

Dawladda Kenya waxay si lama filaan ah ugu dhawaaqday inay dib ula soo noqonayso safiirkeedii fadhiyay Soomaliya, ayna amartay safiirkii Soomaaliya ee fadhiyay Kenya inu si deg-deg ah uga baxo waddankeeda. Tallaabadaan waxay yaab iyo amakaag ku noqotay dawladda iyo dadwaynaha Soomaalida, waayo ma jirin xiisad wayn oo taagnayd oo u baahnayd in si deg-deg ah wax looga qabto.

Way jireen khilaafyo la xiriira badda Soomaaliya oo Kenya damac ka galay ka dib markii ay ogaatay in shidaal badan laga helay. Laakiin arrintaan dacwadeeda waxaa ku jiray maxkamadda caalamiga ah ee ku taal Hague.

Sidoo kale, waxaa jiray xiisad ka dhalatay shirkii ka dhacay Londan 7-dii Febraayo ee 2019-ka, kaas oo lagu soo bandhigay macluumaad ku saabsan khayraadka ku jira badda Soomaaliya.
Maxaa sababay in Kenya cayriso safiirkii Soomaaliaya, keediina u soo ceshato?

Afhayeenka dawladda Kenya wuxuu ku andacooday in Soomaaliya ay dhul ka haysato Kenya isla markaasna xaraashtay khayraad ku jira baddaa Kenya. Afhayeenku wuxuu yiri Soomaaliya waa cadowga koowaad ee Kenya. Sidoo kale, wuxuu shacabka Kenya ku boorriyay inay kacaan oo hal meel uga soo wada jeestaan cadaawadda Soomaaliya.

Hadalka afhayeenka ka soo yeeray ma ahayn hadal cabbiraya firkad shakhsi ee wuxuu ahaa mid muujinaya fikirka dawladda Kenya, isagoo waliba ku nuux-nuuxsaday in loo baahan yahay in shacabka Kenya kacaan. Dadka fallanqeeya siyaasadda waxay aamminsanyihiin inysan Kenya iskeed tallaabadaan u qaadin ee dawlado waawayn ay dabada ka riixayaan, waayo si kasta oo Kenya cadaawad ugu haysay Soomaaliya waxay muujin jirtay siyaasad maldahan oo qarinaysa dareenkeeda, iyadoo isla markaas hoos ka maja xaabinaysa dawladda Soomaaliya.

Soomaaliya Ma Dhul-Bad Bay Ka Haysataa Kenya?

Soomaaliya dhul iyo bad toona kama haysato Kenya, balse Kenya ayaa waxay haystaa dhul wayn oo

Soomaaliya leedahay kaas oo uu Ingiriisku ku wareejiyay Kenya sanadkii 1962-63. Sheegashada Kenya ee badda Soomaaliya waxay bilaabatay ka dib markii ay Kenya ogaatay in shidaal badan ku jiro badda Soomaaliya dhanka xiga xadka labada dal u dhexeeya. Shidaalka Kenya damucu ka galay waxaa sannadkii 1982-dii baaritaan ku helay shirkad Norwegian ah, laakiin soo saaritaankii saliidda ayaa waxaa isku afgaran waayay dawaladdii Soomaaliya iyo shirkaddii baaritaanka samaysay, ka dibna, waa iyadii ay bur-burtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya.

Waxaa la yaab leh in ilaa markii Kenya xorriyadda qaadatay sanadkii 1963-dii ilaa iyo 2009-kii xilligii uu Shiikh Shariif ahaa madxawaynaha dawladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, aysan Kenya marna sheegan in Soomaaliya dhul ka haysato, laakiin markii ay ogaatay in saliid badan ku jirto badda Soomaaliya ee xuduudkeeda u dhow ayay, aragtayna  sida dawladdii Shiikh Shariif oo ku meel gaar ahayd ay u taag darnayd, dagaalladii sokeeya ee waddanka ka socday, hoggaamiye kooxeedyadii fadhigoodu ahaa Nairobi, iyo kala qaybsanaanta dhex tiil shacabka iyo gobollada Soomaaliya ayay ku dhiiratay inay sheegato badda Soomaaliya.

iyadoo ka faa’idaysanaysa duruufihii adkaa ee Soomaaliya haystay xilligaas ayaa Kenya fursadahaas heshiis hoosaad la gashay Shiikh Shariif, Raiisul wasaare Cumar Cabdirashiid, iyo wasiirkii qorshaynta qaranka Cabdiraxman Cabdishakuur, oo intuba wali damac siyaasadeed ka leh Soomaaliya, ahna mucaaradka ugu way ee dawladda hadda jirta. Ugu dambayntii Cabdiraxman Cabdisharkuur baa u saxiixay Kenya in si is faham hoose ah Kenya ula wareegto qayb ka mid ah badda Soomaaliya.

Hase yeeshee heshiikaan dawladdii Shiikh Shariif la gaashay Kenya waxaa ka dhiidhiyay oo qaadan waayay shacabkii Soomaaliyeed meel ay joogaanba gudo iyo dibad. Sidaas ayuuna heshiis hoosaadkii ku fashilmay ka dib markii shacabkii Soomaaliyeed kaceen oo sameeyeen mudhaharaadyo iyo wacyi galin aad u ballaaran.

Waxaan halkaan mahad gaar ah mudan madaxwaynihii hore Xasan Shiikh Maxamud oo isagu dacawd ka dhan ah Kenya u gudbiyahy maxkamadda caalamidga ah. Maxkamaddu waxay xukuntay in sheegashada Kenya ayasan haysan daw iyo culays sharci midna, laakiin waxaa la siiyay waqti dheeraad ah oo ay ku soo dhamaystirtaan sheegashadooda.  Taana wali waa la sugayaa wixii ka soo bixi doona maxkamadda.

soomaaliya ma Cadow bay u tahay kenya?

Qof kasta oo Soomaali ah oo aad waraysato wuxuu kuu sheegayaa in shacabka Kenya ay yihiin dad aad u wanaagsan. Soomaalidu waxay aaminsan yihiin in Kenya tahay dawlad aysan kala maarmin oo ay aad isugu dhow yihiin, ayna wadaagaan deegaan, dad, ganacsi, iyo maal gashi intaba.

Laakiin fikirka Kenya ka qabto Soomaaliya waa mid cuqdad cadaawadeed huwan sidii uu sheegay madaxwaynahii hore ee Kenya. Madaxwayne Arap Moi wuxuu yiri Kenya marna oggolaan mayso in Soomaaliya ka dhisanto dawlad dambe oo awood leh. Sidaas oo ay tahay, Soomaalidu aad ayay u maal gashatay Kenya, cadaawad gaar ah uma hayaan dadka iyo dawladda Kenya midna.

Maxay noqon kartaa Saamaynta Dhaqaale, Ganacsi, Iyo Maal Gashi?

Haddii khilaafkaan cirka isku sii shareero, dhibaatada dhaqaale badankeedu wuxuu gaarayaa Kenya waayo xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya labada dal wuxuu u jan-jeeraa dhinaca Kenya oo iyagaa ku  faa’ido ganacsi oo aad u badan qaba Soomaaliya. Tusaale ahaan, bil walba waxaa Kenya ka soo gala Soomaaliya boqollaal milyan oo dollar oo ka yimaada qaadka, caleenta shaaha, iwm, oo Kenya u dhoofiso Soomaaliya. Iyadoo la og yahay in wax nacfi ah aan laga helin cunidda qaadka ayaa haddana Soomaalidu malaayiin dollar ku bixisaa bil walba, haddii keenidda qaadka la joojiyana dhibaato wayn oo dhaqaale baa soo gaaraya Kenya.

Taa baddalkeeda Soomaaliya wax la sheegi karo uma dhoofiso Kenya, sidaa awgeed dhib dhaqaale oo wayn ma soo gaarayo haddii ganacsiga labada dal istaago.

Waxaa kale oo jira ilaa tiro kor u dhaafaysa 30 kun oo shaqaale Kenyaan ah ay ka dhex shaqeeyan Soomaaliya, ha ahaadeen kuwa u shaqeeya, UN-ta, NGO-yada, ama shirkado gaar loo leeyahay. Gudaha waddanka Kenya, waxaa iyana jira kumanaan kun oo Kenyan ah oo u shaqeeya ganacsiyada, iyo degaanada Soomaalida ku nool Kenya

Saamayta xiriirk labada dal iyo siyaasadda caalamiga ah

Waxaa hubaal ah in dawladda Kenya aysan si fudud u qaadan go’aankaan. Waxaa la aaminsan yahay in dawlado waawayn ay ku lug leeyihiin tallaabada ay qaadaday Kenya. Kenya waxay rabtaa inay Soomaaliya ku cadaasiso inay dacwadda maxkamadda ka noqoto oo wada hadal lagu dhameeyo khilaafka badda. Waxaa kale oo laga yaabaa in Kenya rabto inay cadaadis ku furto go’aan qaadashada maxkamadda caalamiga ah

Balse, waxaa wanaagsanayd in Kenya aysan muquunin iyo cadaadis ku raadin wax markii horeba aysan xaq iyo sharci toona u lahayn. Sidaan hore u soo sheegnay, tan iyo markii Kenya xorriyadda qaadatay ilaa sanadkii  2009-ka marna ma aysan sheegan bad iyo dhul uga maqan Soomaaliya.

Haddana xalka badankiisana laga rabaa inuu ka yimaado madaama iyadu ay hor qaadday tallaabadaan.

Maxaa la gudboon Soomaaliya?

Jawaabta Soomaaliya bixisay ee ahayd inaysan waxba xaraashin waxna xaraashi doonin ilaa maxkamadda caalamiga ah ka soo saarayso go’aankeeda.  Tallaabada ay qaadday Kenay waxay ahayd mid ay ugu talo gashay inay ku damiso xiisadda ay abuurtay Kenya, waxay jawaabtii ugu habboonayd ee ay hadda bixin kartay.

Waxaase muhiim ah in dadka iyo dawladda Soomaaliyeed ay u midoobaan difaaca midnimada, madax banaanida, xuquuqda, iyo xorriyadda dalkooda (dhul, bad, iyo hawaba). Waxaa kaloo muhiim ah in la kala saaro khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya siyaasiyiinta mucaaradka  iyo dawladda, iyo qadiyadda ilaalinta xuduudyada dhulka, badda Soomaaliya, iyo madax banaanida waddanka, xuquuqda dadka Soomaalida meel kasta oo ay ku nool yihiinba, gaar ahaan ku nool gudaha Kenya, ha ahaadeen qaxooti, ganacsato, ama Soomaalida Kenya.

Gabo-Gabo

War iyo dhammaanti, adduunka maanta aan ku nool nahay ninkaan wax dulmin isagaa la dulmiyaa ee waa in aan feejignaanteena sarre u qaadno, had iyo jeerna heegan u ahaanaa ilaalinta danaha dadka iyo dalka Soomaaliyeed, anagoo ilaalinayna xuquuqda shucuubta iyo dawladaha aan deriska nahay, laakiin isla markaa aanaan oggolaan xad gudub lagu sameeyo xuduudaha, madax banaanida iyo jiritaanka Soomaaliya.

Allow Sahal Libaax Seexday Baa Niman Salaaxeene!

Axmed Bashir – bashir163@gmail.com – @bashir1631