KIINYA: WAA SIDA DAMEERKII GEESAHA DOONTAY, EE SOO NOQDAY ISAGA OO AAN DHEGO LAHAYN!!!!

0

SHEEKO: Beri baa waxaa bukooday Libaax. Godkiisii ayuu ka soo bixi waayey. Waxa uu ka baqay in uu gaajo u dhinto. Waxa uu farriin u diray Dawaco. Waxa uu ku yiri “Dawacoy waan jiranahay, jiradana waxaa iiga daran baahi ee waxaan cuno ii keen. Waxay Dawacadii u tagtay Dameerfarow si ay u soo sirto oo Libaaxa ugu keento. Dameerfarowgii ayaa Dawacadii ku yiri “ beri dhaweyd waxaan hardi ku tartanay Biciid, Goodir, Gerinuug, Lo`gisi iyo Cawl. Intoodaba geeso ayey lahaayeen. Aniguna geeso la`aan ayaan ahaa. Tartankiina dhammaan way iiga guuleysteen. Waxaad ii sheegtaa meel aan geeso ka heli karo. Xoog igu filan waan leeyahaye.
Dawacadii waxay damacday inay fursadan uga faa`iideysato inay Dameer farowga u gayso Libaax si uu u cuno. Waxay ku tiri “taasi waa sahal boqorka xayawaanka ee Libaax ayaan kuu gaynayaa isaga ayaa ku soo siinaya geeso aad xirato oo aad isku difaacdo. Weliba boqornimada ayuu kuugu darayaa. Markii ay Libaaxii u yimaadeen ayey ku dirqisay Dawacadii inuu Dameerfarowgu galo godka Libaaxu ku jiro. Madaxa markii uu la galay waxaa labada dhegood qabsaday Libaaxii oo baahan. Xoogiisii oo dhan ayuu dib u adeegsaday Dameerfarowgu. Ka dibna waxa uu Libaaxii ka baxsaday isaga oo aan Labo dhegood lahayn. Dhegahiisiina waxay ku hareen afkii Libaaxa. Sheekadaa waxay noqotay taariikh, mahadho iyo maahmaah caan ah. Qofkasta oo wax aan suurto gal ahayn doona. Ka dibna ku waaya wixii uu haystay ayaa loogu maahmaahaa. Marka dawladda Kiinya waxaan leenahay inta aad leedihiin dhererka baddiina kordhista, yaanay bad la`aan idin ku dhicin. Idinku Dameerfarow baad tihiin. Soomaalidu waa Libaax godkiisa ku jira ee ha u soo dhawaanina!!!
Haddaba, Kiinyooy haddii aad malab dooneyso, Soomaalidu waa shinni qaniinyo kulul. Haddii aad ubax dooneyso, Soomaalidu waa Qoddax mudid kulul. Haddii aad Cambar dooneyso, Soomaalidu waa Nibiri wax liqa. Haddii aad Jowharad dooneyso, Soomaalidu waa Mas waabaayo badan. Haddii aad laaca doogga leh arkeyso, Soomaalidu waa Laag aad u dheer oo laga dhaco. Haddii aad tiro badan tahay, Soomaalidu way tayo badan
Halka qof ee Soomaaliga ah wuxuu ku filan yahay oo uu la dagaalami karaa 20kii qof ee Kiinyaan ah. Maahmaah waxaan leenahay la yiraahdo: haddii cadowga dibedda uu yimaado, cadowga gudaha wuu dhammaadaa.” markaana Isku duubni iyo midnimo degdeg ah oo sida daruurta roobka u sameysantana waan leenahay.
Waxaanu u ololeynaa sida xolodka, meel aan kuleylka isaga baryareyn oo aan gubno Ayaan raadineynaa. Markaanu kugu qiiqno sida dab galay dareemo qalashay. Colaadda dhexdeena way dhammaaneysaa.

Si kasta oo ay dagaalada Soomaalida dhexdeena u dheeraadeen, ha moodin inaan qab jabnay oo aan quwad jabnay. Waayo waxaan leenahay Maahmaah oraneysa “Libaax bakhtiyey, bulbushiisa bahal ma taabto.”
Haddii aan muuqaalka kore ku kala tagsanahay, ha moodin inaan iskhilaafsanahay. Waayo qalbiyada Ayaan ka mideysanahayoo cadowgeena Ayaan u toog haynaa.

Kiinyooy waa sax, laakiin adigu ha dagmin, annagu haddii aan Soomaali nahay biyaha waan ku heshiin waynay. Baadka iyo daaqa xoolaha waan ku heshiin waynay. Deegaanka waan ku heshiin waynay. Qabiilnimo waan ku heshiin waynay. Siyaasad waan ku heshiin waynay. Midnimo waan ku heshiin waynay. Laakiin waxaan ku heshiinaynaa haddii aan nahay rag iyo dumar. Dhallinyaro iyo waayeel. Wadaad iyo waranle.

Dawlad dhexe iyo dawlad goboleedyo inaan dalkeenna, baddeena iyo Karaamadeena difaacno.
Kiinya ma loo sheegay sooyaalka dadka Soomaaliyeed. Ma looga taarikheeyey dagaalkii Axmed gurey iyo Xabashida iyo Boortaqiiska oo dhinac ah in ay Soomaalidu ka qabsatay dalka Itoobioya saddex marka loo qaybiyo qayb ahaan. Ma loo sheegay Kiinya in Soomaalidu ay tahay dadkii Itoobiya baray in hilibka ay Cayriin ku cunnaan. Waayo xilligaa dagaaladii Axmed gurey ay socdeen ayaa ciidamadii Xabashida ee go`doon sannaa waxay ka baqeen inay dab shitaan si aan qiiqiisa loogu soo arag. Markaa ayey ugaadha ay dishaan dhiiggeeda ku cuni jireen. Ilaa hadda way ku cunaan.

Kiinya ma loo sheegay dagaalkii Sayidka iyo gumeysigii Ingiriiska inay Soomaaliya tahay dalkii ugu horeeyey ee Afrika ee markii loo taag waayey diyaarado lagula dagaalamay.

Kiinya ma loo sheegay in dagaalkii 1977kii ee Soomaaliya iyo Itoobiya inay Ciidankii Soomaalidu qabsadeen Magaalada Hawaash oo Addisababa u jirta 100Km wax ka yar. Iyada oo ay Itoobiya gacan siinayeen dawlado badan oo Gaalo iyo Muslimba leh.

Kiinya ma loo sheegay inaan ognahay inay iyada oo dhan tahay gobolo dalal laga soo gooyey oo la isu keenay. Sida taariikhdu qoreyso 1920kii ayaa Ingiriisku abuuray dalka Kiinya. Isaga oo ka sameeyey gobolo uu ka soo gooyey Soomaaliya, Itoobiya, Tansaaniya iyo Yugaandha. Dhulka Kiinya loo yaqaan waa sida haragga waylaalista oo kale oo waa dhul la isku kabkabay oo dalal kale amaah looga soo qaatay. Dhul xeebeedka Kiinya maanta ay leedahay oo dhererkiisa lagu qiyaasay 600KM. Waxaa la rumeysan yahay inuu raacsan yahay cadkii dhulka ahaa ee Ingiriisku dalkeenna Soomaaliya ka gooyey. Waxaa fiican inaan Afrikada Madow ku heshiino xeerna ka dhigano oraahda ah “Buuraley idinkaa leh, Badna Soomaali baa leh, bannaana waan wada leenahay.”
Horey ayey Soomaalidu ugu Maahmaahday “ Ammaano kugu raagtay inaad leedahay ayaad moodaa.” Haddii ay Kiinya ka hari waydo sheegashada dhulka xeebta Soomaaliyeed ee ay hunguriyeynayso. Ogow annagu marka aan qoriga qaadno ma dhigi naqaano, haddii aan dagaal u qaansheysanana dibu soo noqod ma naqaano. Waxaan soo ceshan doonaa wixii dhul ahaa ee uu Ingiriisku naga kaa siiyey. Waxaan dhaafi doonaa webiga Tana rifa. Waxaan socon doonaa ilaa magaalo xeebeedk Mallindi.

Sida ay aqoonyahanadaadu sii saadaaliyeena waxaad noqon doontaa dal bannaan iyo buuraley ah oo aan bad lahayn (landlock)
Dadkii joogay ama tegay ayaa la weydiinayaa. Markii burburkii dalkeennu ka dhacay sannadkii 1991kii magaalo madaxda Kiinya ee Nayroobi waxay ahayd badankeed Cooshado ama Buushash ay dad danyar ah ku nool yihiin, maantana Nayroobi waxay ka mid tahay caasimadaha adduunka ugu horumarsan. Waxaa lagu dhisay UNka iyo hay`adaha caalamiga dhaqaalihii ay Soomaaliya ugu talo galleen oo halkaa saldhig lagu qaybiyo looga dhigay. Waxaa kale oo iyana in la xuso mudan qaar badan oo ganacsatada Soomaaliyeed ah oo halkaa maalgashi ka sameystay. Hadda iyo dan waxaan maqli jirey “inta aanu riix qabe hadlin ayuu Raaxo qabe hadlaa.” Wixii maanta ka dambeeya waa in hay`adaha caalamiga ahi la tagaan xafiisyadooda Soomaaliya ka shaqeeya Dalka Jabuuti ama dalka Itoobiya. Si Kiinya loogu bilaabo ciqaabo midba tan ka dambeysa ay ka xanuun badan tahay.
Kiinya waxaanay ogayn in dalkeedu oo Soomaaliya u yahay albaab furan oo gelidiisa aanu mugdi iyo marti midna ku ahayn qofka Soomaaliga ah. Waayo calankeenna shanta gees leh ee loo yaqaan shanta Soomaaliya, gees ka mid ah waa degmada Wajeer. Muqdisho iyo Wajeerna xuduud uma dhexeeyo. Haddii ay xaaladu xumaanto Wajeer waxaa laga xukumi doonaa Muqdisho. Maalmihii xornimada waxaanu ku heesi jirnay” Hoo Wajeerey calanka hoo. Shantoo is weheshada wacnaan lahaydaa, Calan inay wadaagaan wanaagsanaan lahaydaa.
Soomaalidu waxay ku maah maahdaa “Wax badso wax beel bay leedahay.” Weli waxaa guryaha noo yaal dardaarankii Aaabayaasheen iyo Awoowyaasheen oo ka kooban warqad ay ku qoran tahay: Shanta Soomaaliya Ogaada, Ogaada oo sii adkeeya ololaha Wadajirkooda. Waxaa kale oo ay nooga tageen qoryihiin, seefihii, warmihii iyo billaaweyaashii ay ku dagaalami jireen oo miriray, oo aan dooneyno inaan dhiigga cadowga ku soofeyno. Dardaarankaa wuu socon doonaa ilaa aan shanta Soomaaliya meel isugu keenno. Inta ay goori goor tahay inta aad gaagaabsato maad iska aamustid.
Haddii aan Soomaali nahay geela iyo dhulkaba waan jecel nahay. Difaacooda hanti keliya kuma bixino ee waxaan u bixinaa dhiig, waanna u dhimanaa. Geela marka la shubayo ayaa loogu heesaa “markay tuban tahay ama lala tago waa Tolleeyoo looma kala tago.” Difaaca dhulkeenna u kala hari mayno. Mar kale oo gobonimada in loo dagaalamo gumeysiga midkiisa cad iyo kiisa madowna laga xoreeyo dalka waxaa lagu heesi jirey “Tulud geel ah oo dhacantaad toogasho u badheedhaane, ma dhulkeeniyoo tegay baan nina dhagax u tuureyn.
Dhaqankeenna waxaa ku weyn oo wiilasha lagu gardaadiyaa marka la dhalo inay saddex u dhintaan difaacooda waa geela, Gobonimada iyo Gabadhaha.
Kiinya gar bay u leedahay inay libin ku geeraarto. Markay na saqraamisay ee ay caqligii toosnaa naga wareerisay ayey dooneysaa inay tijaabiso dareenkeenna. Waayo waxay noo soo dhoofisaa saddex daroogo. Waa Qaadka, Sigaarka Sportiska iyo Caleenta Shaaha. Annaguna xitaa Findhicil nagama iibsato. Waxaan oran karnaa: KIINYA maanta waxay ka dhigan tahay qof: DHAGAX KU GARAACAYA MIINO AAN WELI QARXIN!!!
Waxaan qoraalkeygan ku soo gebagabeynayaa meerisyo aan ka soo garoocday gabaygii Abwaan Axmed Ismaaciil Qaasim ee uu ku sifeynaayey tilmaantiisa. Sifaha dadka Soomaaliyeedna Abwaanka ayaa noo yiri.
• Dacartuba marbay malab dhashaa, muudsataa dhabaqe
• Waxaan ahay macaan iyo qaraar, meel ku wada yaale,
• Midigtayda iyo bidixdaydu waa laba mataanoode
• Midi waa martida soora iyo, maato daadihise
• Midina waa mindiyo xiirayiyo, mur iyo deebaaqe
• Miisaanna ima saari karo, nin I maleeyaaye

Waxaa qorey:
Cabdulqaadir Nuur Xuseen (Maax)