Kismaayo: Nin Hanti ka dhacay Xildhibaanno oo Gacanta lagu dhigay “Dhageyso”

0

Wasaaradda Amniga ee Maamulka Jubaland ayaa ku dhawaaqday in ay gacanta kusoo dhigeen nin la sheegay in uu hanta ka dhacay Xildhibaanno, kaasoo sida uu sheegay ay kasoo qabteen Gudaha Kenya.

Isagoo ka hadlayay kulan Ammaanka Soomaaliya quseeya oo ka dhacay magaalada Kismaayo ayuu sheegay Wasiirka Amniga ee maamulkaas Cabdirashiid Xasan Cabdi in wada shaqeyn dhanka Amniga ah oo ay yeeshaan Maamul Goboleedyadu ay sahli karto in Ammaanka meel wanaagsan la gaarsiiyo.

Nin hanti ka heystay Xildhibaanno ayuu sheegay in Maamulkoodu ay gacanta kusoo dhigeen isla markaana taas ay ku mahadinayaan wadashaqeynta Dowladda Kenya ay la leeyihiin, taasoo suuragelisay in ay kusoo wareejiyaan ninkan magaalada Kismaayo.

“In la wada shaqeeyo muhiimadda ay leedahay, waxaad ka ogaan kartaan sida aan kusoo qabanay ninka xoogga ku heystay hanta ay leeyihiin Xildhibaanno ka tirsan Maamulkan” ayuu yiri wasiir Cabdirashiid.