Koofur Galbeed iyo Qaramada Midoobay oo ka wadahadlay Ammaanka deegaannada maamulkaas “Sawirro”

0

Saraakiil ka socota Qaramada Midoobay ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, halkaas oo ay maamulka Koofur Galbeed ugala hadleen Xaqiijinta Amniga deegaannada maamulkaas.

Xasan Xuseen Maxamed, Wasiirka Amniga ee maamulka Koofur Galbeed iyo Madaxweyne Shariif Xasan ayey kulan la qaateen, waxayna u ballan qaadeen in ay ka taageerayaan sugidda Amniga gobollada Koofur Galbeed.

Wasiirka Amniga ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobay taageerada dhinaca Amniga ah ee ay siinayaan maamulka Koofur Galbeed, wuxuuna sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka faa’iideystaan tababarrada iyo taageerada la siinayo.

Xasan Xuseen ayaa sheegay in Ammaanka Gobollada uu maamulkaas joogo uu hadda wanaagsanyahay, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay halkaas kasii xoojiyaan, iyadoo ciidamo dheeri ahna loo diyaariyay la dagaallanka Al-shabaab iyo sugidda Amniga.