Koox burcad ah oo dil ka geystay Muqdisho

0

Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal Kooxo hubeysan ayaa Maanta Xaafadda Baar ubax gaar ahaan Masjidka Xareed  ee Muqdisho ku dilay ruux ka mid ahaa dadkii ku sugnaa halkaasi.

Waxaa uu dilku ka dhacay Bartamaha Wadada gaar ahaan dhanka xigta Baar Ubax, waxaana la dilay nin dhalinyaro ah.

Koox Bastoolado wadatay ayaa toogtay Ruux dhalinyaro ah kadib markii ay isku dayeen in ay ka dhacaan Taleefankiisa gacanta, Waxaana la sheegay in ay baxsadeen intaasi kadib.

Kooxda hubeysan ayaa ka mid ahaa sidda dadka degaanka ay sheegeen Kooxo hubeysan oo dadka dhac ugu geysta degmooyinka Wartanabadda iyo Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho.

Dhalinyaradda kunool degmooyinka Wartanadda iyo Howlwadaag gaar ahaan Baar ubax ilaa Xamar Jadiid ayaa xalay sameeyay Banaanbax ka dib markii Kooxo hubeysan ay taleefanadii ka aruursadeen.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana la sheegay in ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo.