Kooxo hubeysan oo Arday ku rasaasadeeyay Gobolka Galgaduud

0

Waa marki labaad oo uu ku dhacay inuu qaado bilada dahbiga ah dhamaan tartamadi caalamiga ahaa ee uu ka qeybgalay Mo Farah tan iyo sanadki 2011-ki, Mudadaasi wuxuu urursaday 10 billadood oo dahab ah iyo laba billaad oo qalin ah.

Wararka naga soo gaarayo Gobolka Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in kooxo hubeysan oo la aaminsan yahay iney ahaayeen maleeshiyo Beeleed ay dhaawaceen seddex arday ka dib raaas ay ku fureen gaari ay saarnaayeen.

Ardayda la rasaasadeeyay ayaa ka yimid degaanka Dhabad ee gobolka Galgaduud,kuwaasi oo  kusii jeeday degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Gaariga ayaa waxaa saarnaa 6 Arday iyo sidoo kale darawalkii waday Gaariga.

Faarax Bootaan Shaacuur oo ka mid ah waxgaradka deegaanka Dhabad ayaa Warbaahinta u sheegay in dadkaasi ay weerareen Maleeshiyo Beeleed.

Ardayda ayuu sheegay in ay waxka baran jireen Iskuul ku yaalla degmada Caabudwaaq,islamarkaana ay u yimaadeen degaanka Dhabad Qaraabo Salaan.