Kulamada Baarlamaanka Soomaaliya oo joogsan doona 16-ka Bishaan

0

Guddoonka Baarlamaanka dalka ayaa ku dhawaaqay in kulamada golaha Shacabku ay joogsan doonaan 16-ka Bishaan isla markaana ay xubnuhu geli doonaan Fasax waqti dheer ah.

Muddo 2 bilood ah ayey Xildhibaannadu Fasaxnaan doonaan, waxaana guddoonka maalmihii lasoo dhaafay laga sugayay waqtiga sida rasmiga ah uu u billaabanayo Fasaxa Mudaneyaashu.

Wuxuu Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ku dhawaaqay in 16-ka December ay joogsan doonaan guud ahaanba Kulamada Xildhibaannada dalka, waxaana uu intaas raaciyay in Laba Bilood keddib dib la isugu soo laaban doono iyadoo halkooda laga sii billaabayo.

Xildhibaannada ayaa ku laaban doona deegannadii laga soo doortay, iyadoo ay qaban doonaan sida uu sheegay Jawaari shaqo ka badan midda ay hayaan inta kulamada Baarlamaanku ay socdaan.