Kulankii Golaha Amniga Qaran ee Baydhabo oo baaqday

0

Shirka Golaha amniga qaranka ee u dhaxeya madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ayaa markii labaad oo is xigta dib u dhac uu ku yimid.

Waxaa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay isniintii la soo dhaafay ilaa arbacadii lasoo dhaafay  ka socday shirka golaha iskaashiga maamul goboleedyada, kaasi oo qorshaha ahaa inuu xigsado shirka madaxda sare ee dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada ee amniga qaranka ku mideysan, sida uu Axadi aynu soo gudubnay magaalada Baydhaba uu ka sheegay Axmed Ducaale Geele Xaaf, oo madaxweynaha maamulka Galmudug.

Warar soo baxay Talaadii ayaa waxaa heegayeen in Arbacadi shalay ahayd uu magaalada Baydhaba ku wajahnaa Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, si uu uga qeybgalo shirka baaqday ee golaha amniga qaranka,

Gudoomiye Maxamed Mursal ayaa matali lahaa Madaxweynaha Soomaaliya oo safar ugu maqnaa magaalada Doha ee dalka Qadar.

Ilo ku dhaw madaxweynaha dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaan inoo xaqiijiyay in shirka uu dib u dhac ku yimid, inkasta oo sababta uu ka gaabsaday.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in kulanka uu u baaqday khilaafka dowladda dhexe iyo maamuul goboleedyada ee xiisadda dalalka khaliijka.

Dowladda dhexe ayaa go’aan dhex dhexaad ah ka qaadatay xiisaddaas, halka maamul goboleedyada ay taageerayaan dowladda Imaaraadka Carabta, oo dhaqaale ay ka helaan.