Kulankii Maanta ee Baarlamaanka oo Sharci Muhiim ah lagu Ansixiyay

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay kulankoodii cadiga ahaa ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka maanta waxaa uu Ajandihiisu ahaa Ansixinta Hindise Sharciyeedka Biyaha oo uu Xildhibaanada horgeeyay Wasiirka Wasaaradda Korontada iyo Biyaha Soomaaliya Saalim Caliyow Ibrow.

Waxaa halkaas lagu Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Biyaha dalka, iyadoo ay mudaneyaasha badankood kulankii kan ka horreeyay ka sheegeen in wasaaraddu ay si wanaagsan usoo diyaarisay.

Tiro dhan 147 Xildhibaan ayaa ogolaatay meelmarinta Sharcigaan 3 waa ay diiday mana jirin xildhibaan ka aamusay, Gudoonka Golaha ayaana ku dhawaaqay in Sharcigaan uu ansax yahay.