Laba Dumar ah oo ku Geeriyooday Qarax Maanta ka dhacay Muqdisho

0

Sida ay sheegayaan warar dheeri ah oo laga helay Qarax maanta ka dhacay Agagaarka Jaamacaddii Gaheyr, waxaa halkaas ku geeriyooday Laba Haween ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in aan haweenka Geeriyooday markii hore ka Arag, isla markaana kaliya dhaawaca hal Askari la arkay.

Daqiiqado keddib waxaa la ogaaday geerida laba Haween ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka uu Qaraxaasi ka dhacay.

Qaraxa oo Nuuciisu ahaa Miinada dhulka lagu Aaso, ayaa lala beegsaday Gaari Cabdi Bile ah oo ay Wateen Ciidamada Dowladda, halkaas oo uu Askrina ku dhaawacmay Labada haweenka ahna ay ku Geeriyoodeen.