Laba-kaclaynta loolanka Geeska Afrika – Q. 1-aad

0
Muddo dheer xiriirka u dhaxeeyo Bariga Dhexe iyo Bariga Afrika wuu dansanaa laakiin hadda wax walba waxay isu baddalayaan si dhaqso ah. Maxaa sababay isbaddalkaan? Yaa dabada ka riixayo, dan baa noogu jirto mise faaiido? Qormooyin dhowr ah ayaan isku dayi doonaa, haduu Eebbe idmo, inaan kusoo bandhigo jawaabaha su’aalahaan.
Furintaanki kanaalka Suways sanadki 1869’ki ayaa baddalay gabi ahaanba Badda-Cas. Habayn qur ah ayay iska baddashay gacan yar oo aan cidna qiimo ugu fadhin isuna baddashay halbowlaha ugu muhiimsan isu socodka ganacsiga dunida. Si loo muujiyo ahmiyadda marinka cusub, farshaxanaystihii Faransiiska ee  Frederic Bartholdi ayaa soo bandhigay taallo weyn oo laga dhiso irridka kanaalka Suweys loona bixiyo ‘taalladii horumarka’.
Hasa ahaatee, mashruucii taallada waxba kama suuragalin. Dowladdi Masar ee waqtigaas jirtay ayaa deyn badan ka qaadatay bangiyadii Ingriiska si ay u dhisto kanaalka. Sharci jiray qarnigii sagaal iyo tobnaad, oo loogu talagalay in marmarisiyo looga dhigto dhul boobki ree Yurub, ayaa dhigayay in haddii deyn qabuhu bixin waayo deynta lagu leeyahay dalkiisa uu xoog kula wareegi karo midka uu daynta ka qabo. 14 sano ka dib Ingiriisku sidaas ayuu yeelay oo wuxuu la wareegay kanaalki oo dhan. Arrintaas wali waa jirtaa laakiin si dadban ayaa loo qaataa. Sida Shiinuhu hadda u qaatay xeebaha Siira-Laanka halkaan ka eeg.
150’ki sano ee xigay dunidu waxay u arkaysay Badda-Cas farac yar oo ka mid ah marinka Suweys. Muddadaas waxaa dhacay dagaalo waaweyn iyo qalaalaase ballaaran laakiin labo jeer kaliya ayuu xirmay marinka Suweys sidii loo furay. Mar waxay  ahayd1956’di oo loo yaqaan qalalaasihii Suweys. Qalalaashaan ayaa yimid ka dib marki uu Jamaal Cabdinaasir qarameeyay kanaalka ka dib markii uu Ingriika iyo Maraykanku uga baxeen ballamo ahaa inay dhaqaale xooggan siin doonaan. Ka dib Ingriiska ayaa isku dayay inuu xoog kula wareego markale inkastoo uu Maraykanku ku diiday. Kanaalka ayaa xirnaa intii u dhaxaysay Oktoobar 1956 iyo Maarso 1957.
Marki xigtay waa dagaalki Carabta lagu ihaanaysatay ee loo yaqaan dagaalki lixda bari ee ay la galeen Yuhuudda. Markaan kanaalku wuxuu xirnaa lix sano oo xiriir ah. Badda-cas waxay sidoo kale u adkasatay dhibaatooyinki ay geesanayeen burcad badeeda soomaalida iyo kooxaha kale ee aagga ka dhawaa.
Burburki Soomaaliya, soo bixiddi burcad badeedda, dhaqadhaaqa kooxaha mayalka adag ee ka howl gala Soomaaliya iyo Yemen iyo Xuutiyiin Yemen ka dagaalama midnaba ma carqaladayn marinka cariiriga ah ee Baab-Al-Mandab ee ku yaal dhinaca koonfureed ee illinka Badda-cas. Bab-Al-Mandab waa meesha ay isugu yimaadaan Badda-cas iyo badweynta Hindiya. Wuxuu dhaxeeyaa Yemen, Jabuuti iyo Eritereeya. Waxaa uu marriin u yahay maraakiibta ku safarto badda Hindiya kuna socoto midda madhitereeniynka iyagoo u marayo Badda-cas. Marinkaan waxaa maro sanadki badeeco qiimaheedu yahay 600 oo bilyan oo doolar oo uu ka mid yahay shidaal. Maalin walba waxaa maro shan milyan oo fuusto oo shidaal ah. kala bar ganacsiga Yurub ay la leedahay Aasiya wuxuu maraa marinka Suweys.
Ahmiyaddaas uu leeyahay ayaa keentay in dunida oo dhan ay dantoodu ku xirnaato gacankaan yar. Waxaa xil gooni ah la iska saaray inuusan carqaladoobin isu socodka ganacsiga dunida ee marayo marinkaan. Waxaa xeebaha Soomaaliya la keenay tobannaan kun oo ciidamo ah oo sugayo amniga ganacisga ku xiran Badda-cas iyo midda Hindiya ee Soomaaliya marayso. Balse wax ka hooseeyo dantaas gaar ah la iskama saarin Geeska Afrika.
Siyaasiyiinta iyo dowladaha kaliya maahan waxa illaaway ahmiyadda Geeska Afrika ee xataa cilmi-baarayaasha ayaa ka maagay inay u fiiro yeeshaan waxa ka socdo mandhiqaddaas. Alex De Waal oo ah khabiir ka faalloodo siyaasadda  Geeska Afrika qorayna buug uu kaga hadlayo siyaasadda Geeska Afrika, dhaqaalahiisa iyo aminigiisa ayaa yiri “Badda-cas waxaa xaqiray cilmi-baarayaasha iyo khuburada ka faallooto siyaasadda. Sida loo xaqiray waxaad ka arki kartaa marki aad baarto waxa laga qoray gobalka. Google Scholar waxaa uu soo sarayaa 37 ciwaan kaliya marki aad galiso Badda-cas oo lagu daray nabad iyo amni halka usoo saarayo 530 ciwaan marki aad galiso Gacanka Carbeed”. Alex ayaa ku daray in buuggi ugu danbeeyay ee qiimo leh ee laga qoray mandhiqaddaan la qoray 1985’ti. Arrintaas ayaa ku tusayso in ahmiyaddii gobalku raacay dhammaadki dagaalki qaboobaa.
Tani waxay ku tusaysaa in gobalka aysan cidna isku shuqlin muddo dheer. Alex waxaa uu u aaneeyay xaqiraadda Badda-cas inay ku taal labo gobal oo kala duwan: Bariga dhexe iyo Afrika kuwaas ay yartahay waxa mideeyo oo isku meel jihayn karo.
Marar dhowr ah ayaa la isku dayay in la sameeyo madal u gaar ah Badda-cas. Sanadihii 70aadki iyo 80aadki Sacuudiga iyo Masar ayaa mid walba mar gooni isku dayay inuu dhiso madal ay ku midaysan yihiin dalalka ku deedsan xeebaha Badda-cas. Laakiin labada isku dayba ma aysan guulaysan. Sababta ugu muhiimsanayd ee guuldarrada keentay ayaa ahayd kala qaybsanaanti uu keenay dagaalki qaboobaa iyo su’aal ahayd inay madasha Israaiil xubin ka noqonayso.
Dhawaan qorshihii markale ayaa lasoo nooleeyay. Ergayga gaarka ah ee Yurub u xilsaaran Geeska Afrika ayaa soo jeediyay in dib loo dhaqaajiyo madasha Badda-cas maadaama uu marinku aad muhiim ugu yahay ganacsiga Yurub la leedahay dunida kale. Waxaa raacay Masar oo marinka Badda-cas u aragto farac ka mid ah kannaalka Suweys.
Hasa ahaatee su’aalihii hore ayaan meesha wali ka bixin sida ka mid noqoshada Yuhuudda, sida laga yeelayo waddamada gobala awoodda ku leh laakiin aan Badda-cas daris la ahayn sida Itoobiya iyo kaalinta ay ku yaalanayaan wadamada aysan marin Badda-cas laakiin dano waaweyn ku leh gobalka sida Imaaraadka.
Si looga jawaabo su’aalahaan, midowga Afrika ayaa billaabay qorshaha ‘Waaga Badda-cas’ taasoo leh hadaf ballaaran laakiin aan lahayn nuxur rasmi ah. Wakiilka u qaabilsan midowga Afrika arrimaha amniga, nabadda iyo wada-tashiga istaariyadaha ayaa ku sheegay hadalkiisi uu ku furay shir ka dhacay Khartuub Octoobar 2017’ki in waddamada ku yaal geeska Afrika oo ay ku jiraan Kiinya iyo Yugaandha dhammaantood la isgu yeeray si loo falanqeeyo sida looga wada faaiidaysan lahaa fursadaha ka buuxa Geeska Afrika. Qalbiga ku haay in Soomaaliya dad u matalo shirkaas joogeen. Wakiilka ayaa sheegay in sida kaliya ee looga faaiidaysan karo fursadaha yaallo mandhiqadda ay yihiin midaynta qorshaha guud, midka ganacsiga, kan siyaasadda iyo kuwa dhaqaalaha.
Sidoo kale wakiilka ayaa sheegay in qorshaha horumarinta Geeska Afrika lagu soo daray dalalka muhiim u ah gobalka laakiin mudda dheer ka qatanaa ka qaybnoqoshada shirarka looga hadlayo arrimaha gobalka. Dalaalkaas ayuu wakiilku ku sheegay kuwa kuwa bariga dhexe laakiin ma uusan sheegin in Israaiil ku jirto iyo in kale.
Dhibka ugu weyn ee hadda jiro ayaa ah inuusan jirin dano isku mid ah oo mideeyo waddamada horboodayo kacdoonkaan cusub. Inti lagu jiray dagaalki qaboobaa, Soofiyeedka iyo Maraykanku labaduba isku dan ayay ka ahaayeen marinkaan. Laakiin hadda waxaa muuqato in  waddamada danaha leh ay aad u kala damac duwan yihiin.
Sagaashamaadki, danaha siyaasadeed Carabta ka laayeen Geeska Afrika wuxuu ahaa kaliya kuwa la xariiro diin. Ha noqoto la dagaalanka Al-qaaidda ama faafinta afkaar iyaga u gaar ah iyagoo u maray mashaariic kheyri ah. Laakiin hadda waxaa jiro damac dhaqaale oo ay adag tahay in la mideeyo.
Qaybta xiga waxaan ku eegi doonnaa, haduu Eebbe idmo,
quwadaha ku tartamaya Soomaaliya iyo sida ay kusoo galeen.
Ibrahim Shire