Laba-kaclaynta loolanka Geeska Afrika – Q. 2-aad

0

Qormadaan tii ka horraysay waxay gogal dhig u ahayd qormooyin dhowr ah oo tilmaamayo sababte keentay inuu soo cusbaanoodo loollanka loogu jiro hanashada siyasadda iyo ganacsiga Geeska afrika iyo cidda ku loollamayso. Qormadaan waxaan ku eegi doonnaa marki uu soo noolaaday loollanka iyo cidda bilwoday iyo dalalka ku jiro.

Qoramadi hore waxaan ku tilmaamay in dhibaatooyinka ka jiro marinka Baab-Al-Mandan aysan waxba u dhimin isu socodka ganacsiga adduunka. Laakiin asbuucaan gudahiisa ayuu bilowday culayski ugu horreeyay ka dib marki Sacuudigu uu sheegay inuu joojinayo shidaalka uu mariyo marinkaas khatar xagga ammaanka oo timid darteed. Khatartaan ayaa ah in kooxaha Xuutiyiinta ee Yemen ka dirira ay ku hanjabeen inay duqaynayaan maraakiibta sidda shidaalka ee ka timaadda sacuudiga. Intaas waa wixii ka danbeeyay qormadi hore.

Dowladda yar ee Qatar ayaa afuuftay dabka ka bixi jiray Bariga Afrika ee waa hore baqtiyay. Qatar ayaa sanadihii labo kunnadii horraanteedi bilwoday inay dunida isu tusto waddan dhexdhexaad ah o nabad doon ah. Bishii labaad 2009’ki ayay Qatar wada hadal u furtay dowladda Suudaan iyo kooxaha kasoo horheedo Daanfuur. Sidoo kale waxay heshiis kala dhex dhigtay Jabuuti iyo Eritareeya.

Waxaa sidoo kale xusid mudan kaalinti ay Qatar ka cayaartay dagaalki Soomaaliya looga xoreeyay guumaystaha Itoobiya sanadki 2007’di. Inkastoo aysan ahayn taageero muuqato oo ay ku faantay haddana waxay ahayd arrin ay wada ogayd Soomaalidu. Qaar walaalnimo u arakayay iyo qaar cadow taageer u arkayayba. Qatar ayaa idaacadda Aljazeera oo ay iyadu maalgaliso u isticmaashay sara-u-qaadidda maqaamka ay ku leedahay dunida.

Hasa ahaatee, dardarti Qatar waxay hoos u dhacday marki boqorki talada hayay uu xilkii u banneeyay wiilkiisa sanadki 2013’ki. Waxaa isla markiiba booski buuxiyay Turki oo kasoo muuqday meel aan laga fillayn. Raysulwaraasha markaas talada hayay haddana ah madaxweynaha dalkaas mudane Recep Erdogan ayaa lahaa han ahaa inuu dib usoo nooleeyo kaalinti hoggaamineed ee dowladdi Cusmaaniyiintu ku lahayd dunida.

Isagoo isticmaalayo, awoodda jilicsan ee ganacsiga, waxbarshada, iyo gargaarka, ayuu Ordegan doonayay inuu saammayntiisa gaarsiiyo waddamadi hoos imaan jiray khilaafadii Cusmaaniyiinta oo Bariga Afrika uu ku jiro. Ordegan ayaa noqday madax dowladeedki ugu horreyay oo Xamar kasoo dago tan intii ay burburtay dowladdi dhexe. Sidoo kale, Turki ayaa noqday dalki ugu horreeyay ee safaarad rasmi ah ka furto Soomaliya sidii dowladdi u dhacday. ku darsoo, wuxuu taageero muuqato la garab istaagay dowladda dhexe xilli dunidu dayrisay oo waxa la siiyo loo marayo NGO_yo. Talaabooyinkaan ayaa hurdada ka nixiyay waddamada Carabta ee Soomaaliya ku xisaabsado dagmooyin iyaga hoos yimaado.

Turkgu wuxuu sidoo kale maalgalin xoog badan ku sameeyay Suudaan, wuxuuna la wareegay jasiiradda Badda-cas ee Suukun. Dekaddaan ayaa ahaan jirtay mid ka mid kuwa ugu mashquulka badnaa Badda-cas waqtigii Cusmaaniyiinta . Waxay isku xirtaa Suudaan Itoobiya. waxay sidoo kale masaafo gaaban u jirtaa Jedda oo ku taal Sacuudiga.

Masar ayaa iyana mardhow baraarugtay ka dib waqti dheer oo hudo ah. Masar ayaa ka qayb galin shirarka midowga Afrika ee ka dhaca Adis Ababa ilaa 1995’ti waqtigaas oo madaxweynihii talada hayay Xusni Mubaarak uu ka badbaaday shirqoo dil ahaa. Itoobiya ayaa ka faaidaysatay maqnaasha Masar iyadoo bilowday inay ka dhaadhiciso dowladaha Afrika inay ku taageeraan dadaalka ay ku doonaysay in dib loogu noqdo qaabka loo qaybsado biyaha Wabiga Niil.

Wabiga Niil ayaa maro dalalka, Itoobiya, Tansaaniya, Koongo, Kiinya, Ruwanda, Yugandha, Burindi, Suudaan iyo Masar. Biyaha uu keeno wabiggaan 86% waxay ka yimaadaan Itoobiya, hasa yeeshee dalka Masar ayaa xaq loo siiyay isticmaalka biyaha Niil saddex meelood labo (2/3). Caddaalad-darrada loo qaybiyay biyaha ayay muddo ka doodaysay Itoobiya, waxayna fursad u heshay inay taageero ka hesho dalalka kale ee uu wabigu maro iyo kuwa uusan marin ee Afrikaanka ah inti ay Masar saaxada siyaasadda Briga Afrika ka maqnayd.

Itoobiya waxay sidoo kale dardar galisay biyo xireenka ay doonayso inay ka dhaliso koronto u ogolaan doonta, haddii lagu guulaysto, inay noqoto dalka dhoofiya korontada ugu badan Afrika. Biyo xireenkaan ayaa qaadan doono biyo xad dhaaf ah oo laga yaabo inuu wax u dhimo biyaha ay Masar ka hesho wabiga Niil.

Intaas oo dhan inta ay dhacayeen Masar waa jiiftay, waxayse si dhab ah u baraarugtay sanadki 2013ki oo ahayd marki la laalay xubinnimadeeda midowga Afrika. Laalidda aya ka danbaysay af-ganbigii militirigu ku sameeyay dowladdi sharciga ahayd ee shacabku doortay. Waqtigaas ayay Masar bilowday dadaal aan caadi ahayn oo ay ku doonaysay in dib loogu soo celiyo ka mid ahaanshaha midowga Afrika taasoo loo ogolaaday sanadki 2014’ki.

Masar Itoobiya kaliya kalama dhaxayso xurgufta biyaha Niil iyo sidoo kale Suudaan ayaysan isku fiicnayn sababtoo ah Suudaan oo eegayso danteeda gaar ah ayaa taageertay qorshaha Itoobiya ka leedahay Wabiga Niil. Sidoo Masar waxay ka carootay la wareegidda Turkiga ee Suukin.
Sacuudiga iyo Imaaraatka ayaa iyaguna kusoo biiray loollanka. Faragalinta labadaan dal, oo u muuqdo kuwo hal isku ah, ayaa ku salaysan masayrka kala dhexeeyo Iiraan iyo Turkiga. Saamaynta Iiraan ay Afrika ku leedahay ayaa korortay. Waxaa sidoo kale hoos u dhacay middii Maraykanka oo Sacuudigu ku tiirsanaa. Waxaa timid cabsi Sacuudigu ka qabo in Iiraan oo isticmaalayso awoodda ay ku yeelato Bariga Afrika ay carqaladayso shidaalkeeda maro Bab-Al-Mandab. dhinaca Turkiga Sacuudi oo gabay masuuliyaddii ka saarnayd muslimiinta iyo Islaamka ayaa ka qabsi qabo inuu Turkiga loo arko midka kaliya ee matalo danaha muslimiinta.
Sacuudigu wuxuu ka billabay dalalka Suudaan, Soomaaliya iyo Jabbuuti dadaallo uu xiddada ugu siibayo Iiraan. Sanadki 2014’ki ayuu Sacuudigu ku guulaystay in la xiro xarumihii Iiraan ku lahayd dalalkaas oo ay ku jiraan goobo waxbarsho iyo kuwo caafimaad iyo xataa gargaarki aadannimo. Laakiin waxay arrimuhu cirka isku sii shareereen sanadki 2015’ki oo uu Maxamed Bin salmaan (MBS) uu weerar ku qaaday Yemen oo ay qabsadeen kooxaha Xuutiyiintu.
Eritareeya iyo Suudaan ayaa u tartamay raalin-galinta MBS. Eritareeya ayaa si dhaqso u xirtay xafiiski ay Xuutiyiintu ku lahaayeen Casmara muddo dheer. Sidoo kale waxay yaboohday saldhig iyo ciidan looga duulo Yemen. Eritareeya tani waxay u ahayd fursad ay kaga bixi karto go’doonka adduunku ku sameeyay. Waxay u furtay saaxiibbo cusub oo kaalmo iyo garab-ba ay waydiisan karto.
Suudaan ayaa iyaduna ku deeqday 7000 oo askari oo Yemen wax ka weerarto. Madaxweynaha Suudaan ayaa isaguna arrintaan ka dhex arkayay fursad ahayd inuu helo waddan uu Maraykanka wax ka maqlo oo taageero ku siiyo in laga qaado cunaqabataynta, tasoo dhacday ugu danbayn.
Imaaraatka ayaa waxyar ka dib kusoo biiray dagaalki Yeman, isla markiina wuxuu noqday hoggaanka dagaalka. Waxay markiiba saldhig ciidan ka furtay Casab. Dhinaca kale waxay bilowday dadaal si xowli kusocdo oo ku doonayso inay kula wareegto dakedaha Barbara iyo Boosaaso iyadoo isticmaalayo shirkaddeeda DPWorld. Waxay sidoo kale xariir dhow oo siyaasadeed la samaysay Masar. Dalal Imaraatka waxaa majaraha u hayo dhaxal suguha dalkaas Muxamed Binu Zeyd (MBZ) oo ay saaxiib dhow yihiin isku aragtina ka yihiin siyaasada dunida MBS.
Waxay xaaladdu sii murugtay sanadki 2017’ki. Dowladaha Sacuudiga, Imaaraatka, Basar iyo Baxrayn ayaa go’doomiyay dowladda Qatar. Sidii ay Iiraan ku sameeyaanba waxay dalalka saaxiibka la ahaa u sheegeen inay irdaha u xiraaxaan danaha Qatar nooca ay yihiinba. Amarki kasoo baxay MBS iyo MBZ waxaa si dhaqso ah ugu hoggaansamay dhammaan dalalki Iiraan xariirka u jaray Suudaan ma ogiye. Hasa yeeshee Soomaaliya oo in muddo ahayd cammaad goorti la doono lagu maalo meeshi la doono ayaa si lama filaan ah, sidii qaalin farabarad ah, gorof-lagadka ugu dhufatay damicii loola yimid. Soomaaliya go’aansatay inay dhexdhexaadka ka noqoto mushkiladda ka aloosan dalal daris  iyo xigto ah.
Sacuudigu sabab keentayba waa ka gaabsaday inuu arrintas u ciqaabo Soomaaliya. Hasa yeeshee Imaaraat ayaa geed walba u fuulay inuu afka ciida u galiyo dowladda taagta yar’e Soomaaliya ka taliso taasoo sidey filaayeen ka adkaatay.
Docda kale, Imaaraatka wuxuu maalgalin xoog leh ku sameeyay Itoobiya iyo Eritareeya oo is diidan. MBZ ayaa booqday Itoobiya wax yar ka hor inta uusan Abiy ku dhawaaqin inuu la hsehiinayo Casmara. Waxaa muuqato in Imaaraatka door muhiim ah ku leeyhay heshiishka taariikhiga ah ee dhex maray labada dal ee dariska aha. Arrintaas ayaa dhinac ka ah tallaabo loo dabbaal dago, halka dhinaca kale ay ka tahay in loollanka siyaasadda Bariga Afrika uu kusoo biiray miisaan culus oo dhibkiisa wato.
Xaaladda maanta ka jirta Bariga Afrika waxay u ektahay middi ka jirtay qarnigii 19aad waqtigaas oo quwadihii waaweynaa ee Yurub ku loollamayee gacan ku haynta xeebaha Bariga Afrika. Hasa yeeshee maanta waxaad moodda inaysan dowladaha mandhiqaddaasu sidii bariggaas hore aysan iska jiifin balse loollaankaan ay u gaddiyeen mid iyaga u dan ah.
Suudaan waxay si xirfadaysan u dheeli-tirtay xariirkeeda. Wali si buuxdo xariirka uguma jarin dal saaxiib dhow lahaa iyadoo sidoo kale u khuduucaysay cadaadiska dalalka loollanka ksuoo biirayay. Eritareeya loollanka waxay u rogtay fursad u furto dunida iyo albaab cusub oo dhaqaale, maalgashi iyo siyaasadba kor u qaado. Jabbuuti waxay si xariifnimo ah uga faaiidaysatay dadalalka loollanka ugu jiro xeebaheeda iyadoo yaraysay ku tiirsanaanta hal dal furatayna albaabbo badan oo midba may ay gali karto.
Itoobiya waxay isu keentay xariirka  maalgashi iyo midka amni ee sacuudiga, Imaaraatka iyo Qatar. Mid kasta oo dalalkaan ka mid ah wuxuu ku leeyahay Itoobiya maalgashi ballaaran oo ballaayiin dhaafay. Soomaliya iyadu qudheedu ma qatana. Puntland, Somaliland iyo dowladda dhexaba waxay ka faaidaysteen tartanka loogu jiro xeebaha dalka, xoogaa maalgashi ah ayayna ka heleen inkastoo uu dhib abuuray.
 Laakiin ma sidaas ayay u qurux badanyihiin howlaha ka socdo mandhiqadda? Maya mana xigto qurux. Waxaa furmay dagaal cusub oo dabo dheeraan doono. Waxaa bilowday tartan loogu jiro qaybsiga ilaha muhiimka ah ee mandhiqadda, waxaana lagu jiraa qaybsigii 1884’ti oo kale. Middaas ayaan ku eegi doonnaa qormada xigto hadduu Eebbo idmo. Haddase aan soo koobo intaan kor ku sheegay.
Bariga Afrika siduu u dhammaday dagaalki qaboobaa waxaa ka yaraaday faragalinti shisheeye. Waa dhexe ayay soo noolaatay rabitaanka loo hayo mandhiqadda. Dalal badan ayaa soo galay loollanka oo midba mar yimid. Qatar ayaa bilowday, Turki ayaa ku xigay, Masar ayaa ka daba timid, Sacauudi iyo Imaaraat oo is wato ayaa gaariga soo fuulay, Shiine oo dhinac ahna waa dhex boodayaa oo aan si gooni ah ooga hadli doono hadduu Eebbe idmo. Intaas waxaa dheer awoodaha qarsoon ee ree Galbeedka.
W/Q: Ibrahim Aden Shire