Labo diyaaradood oo Mareykanka laga leeyahay oo ku burburay Japan

0

Lix askari oo Mareykan ah ayaa la la’yahay ka dib markii laba diyaaradood oo milatari oo Mareykanka laga leeyahay ay ku burbureen hawada intii ay ku guda jireen howlgal meel ka baxsan xeebaha dalka Japan.

Diyaaradahaan ayaa ka duulay Markabka lagu Magacaabo Marine Corps waxaana uu shilkaan uu  u dhacay 2-dii subaxnimo ee Khamiista maanta ah meel  320 kiilomitir (200 mayl)  ka baxsan xeebta Japan.

Labadda Diyaaradood ayaa waxaa saarnaa  toddoba qof, waxaana ilaa iyo hadda la heyn nolol iyo geeri dhammaan shaqaalihii Saarnaa.

Sarkaal Mareykan ah oo  ka hadlay dhacdadaan  ayaa sheegay in mid ka mid ah diyaaradaha ay aheyd  F / A 18  oo ah diyaarad dagaal, halka Midna ay aheyd Mid adeeg, islamarkaana hadda ay waddaan baaritaano.