Lionel Messi Oo Ku Guulaystay Abaal Marinta Kubbad Sameeyihii Aduunka Ugu Fiicnaa Sanadkan 2016, Cristiano Ronaldo Oo Ka Maqan Iyo Liiska Xidigaha Kaalmaha Ugu Horaya Galay Oo Dhamaystiran.

0

Xidhiidhka caalamiga ah ee taariikhda kubbada cagta iyo tirokoobyada ee magacooda loo soo gaabiyo IFFHS ayaa soo saaray liiska kubbad sameeyaashii ugu fiicnayd sanadkan 2016 wuxuuna xidiga ree Argentina kaalinta kowaad ka galay codbixin laga sameeyay 56 wadan oo ku kala yaala dhamaan qaaramada aduunka. Messi ayaa helay codkii ugu badnaa isaga oo 29 cod ka sareeya xidiga ku soo xiga ee ay isku kooxda yihiin ee Andres Initesta oo codbixintii IFFHS kaalinta labaad ka galay.

Lionel Messi oo sanadkii 2015 kii sidan oo kale cod badan ugu soo guulaystay ayaa sanadkan helay 172 cod oo ka mid ah 56 wadan oo ka itrsan dhamaan qaaraada aduunka laga soo uririyay halka sanadkii 2015 kii uu helay 168 cod. Laakiin Toni Kroos oo abaal marintan ku soo guulaystay sanadkii 2014 kii ayaa kaalinta saddexaad ugu jira 45 dhibcood halka Iniesta oo kaalinta labaad galay horena abaal marintan ugu soo guulaystay uu 66 dhibcood ka helay codkii la dhiibtay.

Abaal marinta IFFHS ee xidiga aduunka ugu fiican waa markii ugu horaysay ku soo guulaystay tababaraha kooxda Real Madrid ee  Zinedine Zidane oo sanadkii 2006 kii abaal marintan hantay halka sanadkii 2007 kii uu ku guulaystay xidiga ree Brazil ee Kaka.Laakiin Iniesta oo sanadihii 2012 iyo 2013 kii abaal marintan ku soo guulaystay ayaa sanadkan booska labaad helay.

Image result for IFFSH Zidane 2016

Cristiano Ronaldo oo sanadkii 2014 kii ku guulaystay gool dhaliyihii ugu fiicnaa ee aduunka ee abaal marinta IFFHS ayaa gabi ahaanba sanadkan ka maqan liiska ciyaartoyda codkii ugu badnaa ka heshay IFFHS waxaana kubbad sameeyaashii iyo gool dhaliyaashii ugu fiicnaa ku soo wada badaxay Mesut Ozil, Luka Modric iyo Eden Hazard.Luis Suarez ayaa isna sidii aanu shalay idiin soo gudbinay ku guulaystay abaal marinta gool dhaliyihii sanadkan 2016 ugu fiicnaa kadib markii uu La Ligaha ka dhaliyay 40 gool.

Halkan Kaga bogo Liiska 15 Ka Kubbada Sameeye Ee Aduunka Ugu Fiican, Dhibcihii Ay Ka Heleen Codbixintii IFFHS Iyo Kaalmaha Ay Ku Kala Jiraan:

 1 – Lionel Messi (Argentina/FC Barcelona)                                                  172 Dhibcood

2 – Andres Iniesta (Spain/FC Barcelona)                                                        66  Dhibcood

3 – Tony Kroos (Germany/Real Madrid CF)                                                    45  Dhibcood

4 – Mesut Özil (Germany/Arsenal FC)                                                            39  Dhibcood

5 – Riyad Mahrez (Algeria/Leicester City FC)                                                 36  Dhibcood

5 – Luka Modric (Croatia/Real Madrid CF)                                                     36  Dhibcood

7 – Kevin De Bruyne (Belgium/Manchester City FC)                                     31  Dhibcood

8 – Paul Pogba (France/Juventus TorinoFC/Manchester United FC)       26  Dhibcood

9 – Eden Hazard (Belgium/Chelsea FC)                                                          14  Dhibcood

10- Dimitri Payet (France/West Ham United)                                                  8  Dhibcood

11-  David Silva (Spain/Manchester City FC)                                                    5  Dhibcood

12- Neymar (Brasil/GC Barcelona)                                                                    3  Dhibcood

13- Marek Hamsik (Slovakia/Napoli SSC)                                                         3  Dhibcood

14-Thiago Alcantara (Spain/FC Bayern München)                                          1  Dhibcood

15-Javier Pastore (Argentina/Paris SG)                                                             1  Dhibcood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here